Weeraryahanka Kooxda Sevilla Vitolo Oo Amaanay Xiddiga Barcelona Lionel Messi.

0
Monday November 07, 2016 - 12:37:34 in by salman abdi
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraryahanka Kooxda Sevilla Vitolo Oo Amaanay Xiddiga Barcelona Lionel Messi.

    Weeraryahanka kooxda Sevilla –Vitolo – ayaa amaan kala duldhacay hogaamiyaha Barcelona Lionel Messi kadib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Sevilla –Vitolo – ayaa amaan kala duldhacay hogaamiyaha Barcelona Lionel Messi kadib

kulankii ay guuldarada kala kulmeen xalay kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ciyaar ka tirsaneed horyaalka La Liga.

messi-5

Vitolo ayaa hogaanka u dhiibay Sevilla daqiiqadahii ugu horeeyay ciyaarta, balse Lionel Messi ayaa dhamaadkii qeybta hore ciyaarta barbaro u keenay Barca, ka hor inta uusan Luis Suarez dhalin goolka guusha taaso faraqa u galisay kooxda uu hogaamiyo Luis Enrique sadex dhibcood oo nadiif ah.

Si kastaba xiddiga reer Spain ayaa amaan kala duldhacay Lionel Messi isagoo qiray inuu yahay ciyaariyahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

"Messi layaab ma lahan, waa ciyaariyahanka ugu fiican taariikhda wuuna garanayaa sida loogu ordo ciyaarta” ayuu yiri Vitolo oo la hadlayay warbaahinta kadib ciyaartii xalay.

"Qeybtii hore si fiican ayaan cadaadis u saarnay isaga, balse qeybtii labaad wuxuu sameeyay kala duwanaasho”