ADUUNKA TARTIIB U SOCO ......................Maanso Cusub

0
Saturday June 14, 2014 - 17:10:47 in by Super Admin
  • Visits: 2677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ADUUNKA TARTIIB U SOCO ......................Maanso Cusub

    ¤Adoo tahli kara ha diidin ¤Adoo talin kara Ha eexan ¤Adoo Tari kara ha gaabsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

¤Adoo tahli kara ha diidin ¤Adoo talin kara Ha eexan ¤Adoo Tari kara ha gaabsan

ADUUNKA TARTIIB U SOCO ......................
Waa Maanso Cusub: 
By. Abwn; Dahir Suldan 

¤Adoo tahli kara ha diidin 
¤Adoo talin kara Ha eexan 
¤Adoo Tari kara ha gaabsan 
¤Adoo Tudhi Kara Ha Maagin 
¤adoo tabcan Kara ha tuugsan 
¤adoo tegikara hajoogin 
¤Adoo Tari kara wanaaga 
¤Adoo Tuman kara ciyaarta 
¤Adoo Ka tunwayn Filkaaga 
¤Adoo Tusmo iyo Aqoonleh 
¤Garaadsan adoo Ku Taama 
¤Tabcaan nimo Ha u Raxlaynin 
¤xumaanta ha taakulaynin 
¤Wanaaga Takoor Ha yeelin 
¤Qabyaalad Ku Tiirsigeeda 
¤Ka dhawrso Tolkaa U kiilka 
¤Xilgaalka Tafta haku qaadan 
¤Bulshada Talo Mida Layeelo 
¤Axsaanka ku taakulee 
¤Waxay TebayaanA sii 
¤Tanaasulka Qaado Khayrka 
¤TALAAL samahoo Jeclayso 
¤Haduu Arin Kaa Taraaro 
¤Cadhiyo Tuhun Yuu Ku Qaadin 
¤DALKAAGOO Tacab U Baahan 
¤Barbaartoo Taagan Suuqa 
¤Tahriibta hablaa Ku Leeday 
¤Hooyooyinka Samirka taagan 
¤Walalkaa Oo Tabcaana 
¤Wanaaga Ku Taakulee 
 ¤tixdayda waxaan kukoobey 
¤Waxaan Talo Kuugu gooyey 
¤Talaabo Kastiyo Hankaaga 
 ¤Habee Tacabkaaga oo 
¤Aduunka tartiib u soco 


By: Ab.Dahir Ismail Warsame(Sultan) 
Riyad Saudi Arabia