Super Mario Balatteli Oo Goolkii Guusha U Dhaliyay Dalkiisa iyo Italy Oo Garaacday Dalka England +Sawiro

0
Sunday June 15, 2014 - 09:14:09 in by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Super Mario Balatteli Oo Goolkii Guusha U Dhaliyay Dalkiisa iyo Italy Oo Garaacday Dalka England +Sawiro

    Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul ku bilowday Koobka Adduunka ka dib markii ay 2-1 kaga takhaluseen xulka England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul ku bilowday Koobka Adduunka ka dib markii ay 2-1 kaga takhaluseen xulka England

kulankoodii furitaanka Koobka Adduunka iyadoo labada xul ay soo bandhigeen ciyaar la jecleystay oo ka dhacday garoonka Amazonia ee magaalada Manaus.


Andrea Pirlo oo baasaskiisii halista ahaa dhiibaya
1402784515209_lc_galleryImage_Fanny_Neguesha_fiancee_of
1402785757898_lc_galleryImage_England_football_England_
1402786620993_lc_galleryImage_England_football_England_
1402786290530_lc_galleryImage_England_s_Daniel_Sturridg
1402786579191_lc_galleryImage_England_football_England_
Jagielka oo si fantastik ah madax kaga bixiyay kubad uu Balotelli ka dulqaaday Hart
1402788161283_lc_galleryImage_Italy_s_forward_Mario_Bal
1402787633712_lc_galleryImage_MANAUS_BRAZIL_JUNE_14_Mar
Mario Balotelli oo xanuun dhulka la yaala ka dib taakal uu kala kulmay Gary Cahill
Daafaca Italy Paletta oo gacan siinaya kabtanka England Gerrard oo ku dhex dhacay xerada goolka Italy

Ciyaarta Amazonia ka socotay ayaa ku bilaabatay si dardar leh, iyadoo Sterling uu bilowgii ciyaarta kubad darbo xoogan shabaqa geeskiisa ku dhuftay, halka darbo kale oo xoogan oo ka timid Henderson uu badbaadiyay goolhayaha Italy Sirigu.

Italy ayaase qeybihii hore ee ciyaarta kubada heysatay, iyadoo Candereva uu ku guuldareystay inuu darbeeyo kubad uu Pirlo uga booday, Italy ayaa sidoo kale ku andacootay kubad gacan lagu taabtay laakiin Johnson si kama ah ayay ugu dhacday.

Andrea Pirlo oo baasaskiisii halista ahaa dhiibaya

Ciyaarta ayaana aheyd 20kii daqiiqo ee ugu horeysay mid furan, iyadoo Candreva uu isku dayay inuu darbo xoogan ku tuuro goolka England taasoo keentay in Hart uu iska soo tufo laakiin ma jirin cid ku celisa.

England ayaana daqiiqadii 22aad mar kale halis ku noqotay goolka Italy iyadoo kubad uu goolka hortiisa soo dhigay Raheem Sterling laakiin daafacyada Italy ayaa ku guuleystay in kubada uusan gaarin Danny Welbeck oo doonayay inuu shabaqa ku taabto.

Balotelli saaxiibtiis oo ka soo qeybgashay daawashada ciyaarta iyadoo wadata maaliyada Italy ee No 9ka Super Mario

Three Lions ayaa mar kale u dhawaaday inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, iyaddoo Danny Welbeck uu ka soo xarooday dhanka midig ee goolka England, waxaana karoos uu soo dhigay oo ku sii dhacday daafac Talyaani ah ay hormartay goolka iyadoo Sturridge uu madax la gaari waayay. Si la mid ah koornadii ka dhalatay ayaa iyadana halis gelisay Italy.

Laakiin Italy ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 34aad markii kooner ay Italy heshay loo soo dhigay baas Pirlo laakiin uu xiddiga khadka dhexe uga dulbooday saaxiibkiisa Juventus Marchisio kaasoo isku toosiyay inuu darbo joog hoose ah dabamariyo goolhaye Joe Hart.

Marchisio oo darbadiisii jooga hoose dabamarinaya goolhaye Joe Hart

De Rossi iyo Marchisio iyo keydka Italy oo u dabaaldegaya goolkoodii furitaanka.

Seddex daqiiqo ka dib England ayaa ka jawaabtay goolka Italy ka dib markii ay heleen kubad rogaal celis degdeg ah, Sterling ayaa kubad u dhiibay Rooney kaasoo isna karoos fiican oo fantastik ah ka soo qaaday dhanka bidix, waxaana shabaqa ku taabtay Daniel Sturridge.

Dabaaldegiii England waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalahooda caafimaadka Gary Lewin kaasoo si xun u dhaawacmay islamarkaana bareelo looga qaaday garoonka.

Sturridge oo shabaqa ku taabanaya karooskii uu soo dhigay Rooney

Sturridge oo u dabaaldegaya goolkii uu ugu barbareeyay EnglandBalotelli ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u soo celiyo Italy daqiiqadii 2aad ee labo daqiiqo oo lagu daray ciyaarta iyadoo uu isku dayay kubad macaan oo uu ka dulqaaday Hart, laakiin waxaa si fantastik ah madax ugu bixiyayJagielka.

Koornadii ka dhalatay ayaa hadana Italy ay ku heshay fursad kale iyadoo Candreva uu kubad birta ku dhuiftay, waxaana lagu kala nastay barbaro 1-1 ah ka dib ciyaar lagu qanco oo ay labada xul ciyaareen.

Jagielka oo si fantastik ah madax kaga bixiyay kubad uu Balotelli ka dulqaaday Hart

Qeybtii labaad Daniel Sturridge ayaa darbo dheer oo xoogan ku tijaabiyay goolhayaha Italy laakiin Sirigu ayaa iska bixiyay. Laakiin Italy ayaa hogaanka ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 50aad markii karoos uu soo dhigay Candreva uu madax ku dhaliyay Super Mario Balotelli, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Italy hogaanka ku qabatay.

Mario Balotelli oo madax ku dhalinaya karooskii uu ka helay Candreva

Balotelli oo u dabaaldegaya goolkii uu hogaanka ugu dhiibay Italy mar kale

Waxaana garoonka Amazonia durbadiiba isla qabsaday dhawaaqa ‘ITALIA’ oo ay ku heesayeen taageerayaasha xulka qaranka Azzurri. England ayaana isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabato iyadoo Rooney uu sigay goolka Italy daqiiqadii 62aad ee ciyaarta. Halka Damian fursad uu helay uu ka beeniyay Jagielka, islamarkaana goolhayaha Italy Sirigu uu fursad islamarkiiba ka beeniyay Ross Barkley.

Mario Balotelli oo xanuun dhulka la yaala ka dib taakal uu kala kulmay Gary Cahill

England ayaana isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabato iyagoo cadaadis saarayay Italy, goolhaye Sirigu ayaana laad xor ah oo uu soo tuuray Baines ka bixiyay daqiiqadii 76aad ee ciyaarta.

Daafaca Italy Paletta oo gacan siinaya kabtanka England Gerrard oo ku dhex dhacay xerada goolka Italy

England ayaana laad xor ah loo dhigay meel u dhow goolka Italy daqiiqadii 85aad iyadoo uu u soo istaagay Steven Gerrard, laakiin kabtanka England ayaa dusha sarre marsiiyay kubada, iyadoo Sirigu uusan wax dhibaato ah marin.

Taas bedelkeeda Italy ayaa iyadana laad xor ah loo dhigay meel 25 yard u jirta goolka daqiiqadii 3aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, waxaa u soo istaagay maestro Pirlo kaasoo si wacan qaaday laakiin waxaa ka beenisay birta iyadoo Hart uusan isha xitaa la helin ka hor inta aysan kubada banaanka u bixin.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka Talyaaniga, iyadoo Group D ay min seddex dhibcood ku hogaaminayaan Costa Rica iyo Italy, halka England iyo Uruguay aysan wax dhibic ah ka helin wareega koowaad ee group yada.




afkashacabka.com / cayaaraha

contact@afkashacabka.com