Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 9aad W/Q Maxamed Andar

0
Sunday November 13, 2016 - 17:40:35 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 9aad W/Q Maxamed Andar

    Markii ay faleenbadii ku dhamaatay qaali waxa loosoo qaaday xagii guriga si halkaa loogu baxnaaniyo, laakiin qaali waxba kama, aanay soo rayn oo waaba ay kasii dartay sidii hore qaali hooyadeed iyo aabahed waxa ay aad ugu jaah wareereen marxalada mur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay faleenbadii ku dhamaatay qaali waxa loosoo qaaday xagii guriga si halkaa loogu baxnaaniyo, laakiin qaali waxba kama, aanay soo rayn oo waaba ay kasii dartay sidii hore qaali hooyadeed iyo aabahed waxa ay aad ugu jaah wareereen marxalada murugada ah ee lasoo daristay inantoodii iyo waliba sida aanay waxba ugu qaban karaynin .

 Muumina waxa uu wehel la noqday nolol kali nimo ah waxay mudo sidaa ahaataba,waxa maruun xaafadii laga dhexwaayay dhaqdhaqaaqii qaali iyo muumin waxaana aad u tabtay asxaabtoodiii, waxaa sidoo kale welwel xoogan qaaday muumin inantii ay saaxiibada ahaayeen ee siraad taas oo aan in mudo ah in dho saarin muumin, waxayna u qaaadatay in muumin uu xanuun sanyahay, waxayna siraad maalin maal maha kamida go,aansatay in ay guriga ugu tagto oo ay ka soo war hesho xaalada uu ku suganyahay muumin, markii ay gurigii soo gaadhay waxa ay markiiba aragtay in xaafada buuq ka jiro mana aanay ogayn in ay qaali xanuun sanayso, markiiba siraad aad ayay u naxday waxayna is tidhi muumin aad ayaa uuu xanuun sanayaa,waxayna toos usoo abaartay qolkii lagu hor buuqsanaa iyada oo degdegaysa, markii aysoo gaadhay qolkii oo ay hor taaganyihiin qaali hooyadeed iyo dhawr dumara oo kale iyo waliba qaaali aabaheed, waxayna markiiba siraad salaan iyo niyad dhis la dhexqaaday qaali hooyadeed iyo waliba dumarkii kale iyada oo odhanaysa is dajiya hooyo insha allah wuu caafimaadayaa.

 qaali hooyadeed waxa ay u haysatay in inantani soo booqatay iananteeda qaali waxayna ku tiri horu soco hooyo qolkaas ayay ku jirtaa qaaliye, siraad oo aan wali fahmin in qofka xanuun sanayaa aanu muumin ahayn ee ay qaali tahay ayaa markiiba gashay qolkii waxayna markiiba indhaheedu qabteen qaali oo sariirta jiifta waxayna waydiisay aaway muumin walaal? Qaali markii ay maqashay hadalka siraad ayaa niyadeedii soo noqotay iyada oo is odhanaysa siraad ayaa warkaaga wada jacaylkaagii muumin, iyada oo miciin moodaysay siraad oo iyaduba usocatay in ay ka soo werhesho muumin oo aanay in mudo ah is arag, qaali inta ay jiifkii kasoo kacday , ayaa ay waydiisay walaal iiga waran muumin halkeese hada joogaa? Siraad oo iyaduba usocotay muumin ayaa u celisay walaaal anba waxaan usocday inaan kasoo warhelo xaalada muumin maadaama aanan mudo arkin, qaali aad ayaa ay u naxday waxayna ku tiri miyaanu walaal magaalada joogin, side ayaanad intaas oo dhan u arkin, qaali waxa ay si toosa uga sheekaysay wakhtigii uu muumin guriga kabaxay sababtii uu uga baxay iyo waliba sidii foosha xumayd ee uu aabaheed ula dhaqmay misana guriga uga caydhiyay, markiiba siraad aad ayaa ay uga naxday sida foosha xun ee loola dhaqmay muumin waxayna ku tiri qaali walaal muumin uma malaynayo in uu magaalada joogo waayo hadii uu jooga intaas oo dhan is maanaan arki wayneen run ahaantii aad Ayaan uga welwel sanahay xaalada uu muumin hada ku suganyahay mana sheegi karo xataa in uu dhintay iyo in uu nool yahay ayaa ay tiri siraad.

Ilay hore aya loo yidhi qof wax jecel waa dhibane, markii ay maqashay in aan muumin magaalada joogin oo aan waliba war laga hayn nolol iyo geeri waxa uu ku suganyahay, waxay markiiba soo xasuusatay sidii foosha xumayd ee uu aaabaheed ula dhaqmay isaga oo aan wax danbiya sayanin waxaana markiiba indhaheeda ka timi ilmo waxayna markale nafteeda ku canaanatay warqadii ay u qortay muumin ee sababta u noqtay in muumin xaafada laga eryo, siraad waa ay iskaga soo tagtay xaafadii, waxaana halkii murugadii kusii laba jibaarantay inantii qaali ahayd, wax ayn noqotay qof aan jiif iyo joogtoona xamilayn xaaladuna waa ay kusii xumaatay qaali waxa ay nafteeda qortay in ay danbiile tahay oo ay danbi ka gshay wiil aan wax danbiya ugaysan.

Waxa ay nafteeda canaanataba waxaaa kusoo dhacay go,aan kadis ah, kaas oo ah in ay aduunka iskaga tagto maadaama ay noqtay qof wax jecel oo hadana qofkii ay jeclayd gacanteeda ku gawracday, Ileen hore ayaa loo yidhi qof wax jecel wax walba ka filo, qaaali iyada oo aan ka fiirsan ayaa ay niyadeeda gashatay In ay is disho oo ay aduunka iskaga tagto maadaama ay calfan wayday inankii ay aduunka ugu jeclayd misana ay ku sugantahay noloshan ku salaysan walwalka iyo murugada isla markaana mar uun ay is dhaafiso kaarka iyo xanuunka ka haysta marka ay soo xasuusataba dhibtii ay hore ugusoo gaysan jirtay muumin iyo waliba foolxumadii uu aabaheed kula kacay isaga oo aan waxba hubsan,………. Lasoco qaybta 10aaad iyo gunaanadka sheekada

Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 9aad W/Q Maxamed Andar Gmail: maxamedqani122@gmail.com Facebook: maxamed andar