XULKA FRANCE OO GUUL WAYN KU BILAABAY KOOBKA ADDUUNKA KA DIB MARKII 3-0 KU QAARJIYEEN XULKA HONDURAS

0
Monday June 16, 2014 - 12:25:13 in by Super Admin
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XULKA FRANCE OO GUUL WAYN KU BILAABAY KOOBKA ADDUUNKA KA DIB MARKII 3-0 KU QAARJIYEEN XULKA HONDURAS

    Xulka France ayaa guul weyn u bilowday Koobka Adduunka ka dib markii 3-0 ku qaarjiyeen xulka Honduras kulan ka tirsanaa Group E Koobka Adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka France ayaa guul weyn u bilowday Koobka Adduunka ka dib markii 3-0 ku qaarjiyeen xulka Honduras kulan ka tirsanaa Group E Koobka Adduunka

iyadoo Honduras ay inta badan ciyaarta ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan ka dib markii uu casaan ka qaatay qeybtii hore Palacios, halka Benzema uu sabab u ahaa guusha France isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana gacan weyn ka geystay goolka seddexaad.

Ciyaarta France iyo Honduras ayaa ku bilaabatay si dhibaato leh iyadoo aaladii codka ee garoonka ay halowday taasoo keentay inaan la shidin astaanta qaranka ee labada xul ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban.

France ayaa fursad dahabi aheyd heshay daqiiqadii 15aad markii laad xor ah oo la soo tuuray uu madax ku taabtay Blaise Matuidi laakiin waxaa faraha cididooda kaga badbaadiyay goolhayaha 37 jirka ah Noel Valladares.

1402864073759_lc_galleryImage_French_supporters_hold_a_

Jamaahiirta France oo u sheegaya xiddiga reer Sweden Ibrahimovic inay ugu xiiseen Koobka Adduunka

Birta goolka Honduras ayaa mar kale la lulay wax yar ka dib markaana waxaa ku dhacday kubad madax aheyd oo ka timid Antonie Griezmann. MathieuValbuenaayaa isna karoos cajiib ah soo dhigay laakiin Benzema ayaa kubada kor mariyay.

Pogba ayaana nasiib ku lahaa in kaliya la siiyo jaale ka dib markii uu haraantiyay Wolson Palacios ka dib markii qalad lagu galay, garsooraha reer Brazil ayaana si jilcan u xaliyay qaladkaas.

1402861219667_lc_galleryImage_France_s_midfielder_Paul_

Pogba oo nasiib ku lahaa jaalihii lagu siiyay laadkii uu laaday Palacios.

1402862022939_lc_galleryImage_PORTO_ALEGRE_BRAZIL_JUNE_

Palacios oo markiisana qalad ku galaya pogba xerada ganaaxa dhexdeeda

1402862076436_lc_galleryImage_Honduras_midfielder_Wilso

Palacios oo kaarka casaanka ah loo taagay

Pogba ayaana guusha ka helay Palacios oo si weyn isagu dayayay inuu ka careysiiyo xiddiga reer France, markaana Palacios ayaa dusha si xun uga riixay Pogba oo ku jiray xerada ganaaxa, Palacios waxaa la siiyay jaalihiisa labaad oo ciyaarta ayaa laga saaray halka France loo dhigay rigoore.Waxaa rigoorada u soo istaagay Karim Benzema kaasoo gool u sarifay islamarkaana hogaanka u dhiibay France. Waxaana lagu kala nastay goolkaas.

Labo daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Karim Benzema ayaa keenay goolkii labaad ee xulka France iyadoo karoos la soo dhigay uu gool ku laaday Benzema waxa ay ku dhacday birta ka hor inta uusan goolhayaha iska dhalinin kubada.

Muran badan ayaa ka dhashay oo la xiriirtay in kubada ay dhaaftay xariiqda goosha iyo in kale, waxaana lagu kala baxay teknooloojiyada xariiqda goosha oo xaqiijisay in kubada uu iska dhaliyay goolhaye Valladares oo ay dhaaftay xariiqda goosha.

1402863696448_lc_galleryImage_vlcsnap_2014_06_15_21h09m

Teknooloojiyada xariiqda goosha ayaa xaqiijisay in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka

Inkastoo ay muran badan dhalisay hadana waxa ay ciyaarta noqotay 2-0 oo France ay hogaanka ku heysay. France ayaana cadaadis saareysay Honduras iyagoo weeraro joogta ah ku qaadayay.

Benzema ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 72aad markii uu kubad xagal kore oo adag uu ka geliyay isagoo aan wax fursad ah siinin Valladares, markaana goolkiisa wax muran ah kuma jirin, waxaana ay aheyd goolkiisii labaad oo uu ciyaarta ka dhaliyo.

1402862120230_lc_galleryImage_France_s_Karim_Benzema_ki

Benzema oo dhalinaya rigooradii loo dhigay France qeybtii hore ee ciyaarta

Goolkaas ayaana ahaa goolkiisii 23aad ee 67 kulan oo uu u saftay wadankiisa France. Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday xulka France, waana guushoodii ugu weyneyd ee Koob Adduun tan iyo markii ay 3-0 kaga badiyeen Brazil finalkii 1998dii.

Benzema ayaana noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee xulka France ee labo gool hal ciyaar gudaheed ka dhaliya Koobka Adduunka tan iyo 1998dii markii uu finalka labo gool dhaliyay Zinedine Zidane.

Waxaa xusid mudan iyo kulankii 10aad ee la ciyaaray Koobka Adduunka inuusan jirin weli ciyaar ku dhamaatay barbaro.

France ayaa shan maalmood ka dib waxa ay wajihi doontaa Switzerland oo min seddex dhibcood ay haatan ku hogaaminayaan Group E halka Honduras iyo Ecuador ay iyagana isarki doonaan



afkashacabka.com / cayaaraha
contact@afkashacabka.com