RA'IISUL WASAARE CUMAR: Nabadda Degmada Gaalkacyo waa in si wadajir ah looga shaqeeyo

0
Saturday November 19, 2016 - 16:35:47 in by salman abdi
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'IISUL WASAARE CUMAR: Nabadda Degmada Gaalkacyo waa in si wadajir ah looga shaqeeyo

    Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa ku Guuleystay inuu kala qaado Ciidamada Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor-fadhiyay in muddo ah xaafado ka tirsan Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa ku Guuleystay inuu kala qaado Ciidamada Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor-fadhiyay in muddo ah xaafado ka tirsan Gaalkacyo.

Sharma’arke oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ciidamada la kala qaado.

RW Cumar oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, Waxaana sidoo kale ku wehlinayay Saraakiisha Ciidamada labada maamul.

Dhanka kale, RW Sharma’arke oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan Ciidammada ayaa u sheegay saraakiisha Ciidamada labada maamul in la joojiyo dagaalka, isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ku sugnaayeen.

"Waxaan u taagan nahay sidii bulshada magaalada Gaalkacyo ku nool ay nabad-galyo ugu wada noolaan lahaayeen, waad la socotaan waxaa la gaaray Heshiis nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda, waxaa waajib nagu ah dhammaanteen in aan ka shaqayno, Ciidamada is-hor-fadhiyana xeryahoodii dib loogu celiyo,” ayuu yiri RW Sharma'arke oo ka hadlayay halka ay isku-hor-fadhiyeen labada ciidan.

Ugu dambeyn, Hogaamiyeyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhammeynta Colaadda Gaalkacyo, isla markaana ay Dhaqan-gelin doonaan illaalinna doonaan heshiiska la gaaray.