Jamaahiirta Liverpool Oo Dalbaday In Kolo Toure & Laba Xidig Kale La Iibiyo, Waa Kuwee!!?

0
Monday February 03, 2014 - 09:39:39 in by Super Admin
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Liverpool Oo Dalbaday In Kolo Toure & Laba Xidig Kale La Iibiyo, Waa Kuwee!!?

    Kadib markii Kolo Toure uu sabab u noqday in kooxdiisa Liverpool ay ka badin weyso naadiga West Brom sidoo kalena ka qasaariyay fursad ay ugu sii dhawaan laheed safka hore ee Premiership-ka.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Kadib markii Kolo Toure uu sabab u noqday in kooxdiisa Liverpool ay ka badin weyso naadiga West Brom sidoo kalena ka qasaariyay fursad ay ugu sii dhawaan laheed safka hore ee Premiership-ka.....
Inta badan taageerayaasha Liverpool oo adeegsanayaan baraha Twitter-ka iyo Facebook ayaa soo jeediyeen inay daafacan waaya araga ah la iska fasaxo marka uu xili cayaareedkan dhamaado,

Kolo ayaa kulankii Liverpool ay bar bar dhaca 1-1 la gashay naadiga West Brom goolka bar bar dhac siiyay asigoo kubada gacanta u galiyay Anechebe oo cayaarta 1-1 ka dhigay kana mahad celiyay kubadii uu Toure siiyay, Kolo bilawgii xili cayaareedkan ayuu si xor ah garoonka Anfield ku yimid sidaa darteed wuxuu haatan lumiyay kalsoonidii uu ka heestay taageerayaasha Liverpool.


 
Sidoo kale taageerayaasha Liverpool ayaa kalsoonida kala laabteen Iago Aspas oo ilaa haatan la qabsan garoonka Anfield sidaa darteed weeraryahanka reer Spain waxaa lagu wadaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu dalkiisa hooyo dib ugu laabto, laacibka sedexaad oo ay taageerayaasha Reds rabin inuu Anfield baaqi kusii noqdo ayaa ah Sebastian Coates daafacan dhalinta yar dhaawac halis ah ayaa bilawgii xili cayaareedkan gaaray hatana uma muuqdo inuu boos ka heli doono Liverpool oo heesato ugu yaraan 4-daafaca dhexe sidaa darteed Coates xagaagan koox cusub ayuu baadi goob u gali doonaa.