Germany Oo Purtugal Cashar Lama Ilaawana U Dhigtay Iyo Kooxihii Afrika Oo Aan Guul Xalay La Caraabin. + Sawiro

0
Tuesday June 17, 2014 - 12:12:04 in by Super Admin
  • Visits: 1730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Germany Oo Purtugal Cashar Lama Ilaawana U Dhigtay Iyo Kooxihii Afrika Oo Aan Guul Xalay La Caraabin. + Sawiro

    Germany 4-0 gosha u gelisay Portuqal oo xataa Ronaldo ka dhex muuqdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Germany 4-0 gosha u gelisay Portuqal oo xataa Ronaldo ka dhex muuqdo


Saddex gool oo uu shabaqa dhigay weeraryahanka naadiga Bayern Munich iyo xulka Germany ee Thomas Mueller iyo gool uu u dhaliyey laacibka difaaca ee Mats Hummels ayaa u suurto galisay xulka qaranka Germany inuu dhulka la dhaco oo laba cad u kala gooyo qaranka Portaqiiska kagana adkaaday 4-0.

Germany oo Der

 

Uma Malaynayo in mushkiladu garoonka tahay, laakiin waa nasiib , in garoonkii Spain 5-1 loogu dhiibay ee ay ugu xambaarisay Holand, hadana markale tii tu lamid ah lagu bado Portuqal oo ay kala kulmaan Germany.

Germany oo derdertay

 

 

Ciyaartii xiisaha badnayd, aadkana loo wada sugayay ee Germalka iyo Portaqiiska ku dhex maraysay garoonka  Arena Fonte Nova ee magaalada Salvador ayaa ku dhamaatay natiijo aan la filayn iyo bidaari sibiq bay kugu gashaa, kadib markii Germany 4-0 gosha u gelisay Portuqal oo xataa Ronaldo ka dhex muuqdo.

GERMANY OO KAR

 

Portugal qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd wakhti Pepe kaadh ka casaanka u qaatay kadib markii uu madaxa ka hidheeyey Muller oo dhulka fadhiya , isla markaana la dhacay suxulkii uu marka horeba wejiga kaga dhuftay , talaabadaas oo muujisay arxan daro iyo akhlaaq xumo dhab ah oo difaac yahayn Pepe ku kacay, waxay ku dhamaatay 3-0 ay ku hogaaminayeen Germany.

Germany oo

 

Isu soo noqodkiina , waxaa muuqatay dib u deg uu sameeyey xulka Germalku, taas oo uu saamaxday Portugal inay woxogaa horumar ah ka sameeyaan xaga kubad haysashada iyo weerarkaba , laakiin goolkii 4 aad oo uu ka dhaliyey xidigii ciyaarta ee caawa Muller ayaa iyana ahayd mid sii laban laabta, niyad jabka Ronaldo iyo xulafadiisa oo habeen madow ay u ahayd caawa.

 

Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Germany, taas oo ah fariin culus oo uu xulka tababare Low u diray qaramada hungurigu kaga jiro , qaadista koobka aduunka ah.

Nigeria iyo Iran Oo Dhibcaha Qaybsaday Kulankii ugu Horeeyey ee Barbaro Ku Dhamaada K-Aduunka

Kulankii Nigeria iyo Iran ayaa noqday kii ugu horeeyey ee barbaro ku dhamaada intii uu socday ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkani , kadib markii ay isla dhaafi waayeen 0-0 kulankii xallay ka dhacay garoonka Arena da Baixada ee magaalada Curitiba.
Xulka qaranka Nigeria ayay ku adkaatay inay natiijo ka gaadhaan weeraradii ay qaadayeen qaybtii labaad ee ciyaarta , wallow qaybtii hore laga gacan sareeyey iyaga oo dhan.

Iran iyo Nigeria ooLabadan xul qaran ayaa min hal dhibic la caraabay Group ka F oo ay ku weheliyaan Argentina iyo Bosnia oo ciyaartani ahayd tii labaad ee Group kaasi ciyaaro , waxaana 3 dhibcood ku hogaaminaysa Argentina oo Sabtidana wajahi doonta Xulka Iran , oo dhibic kaliya sita.

USA Oo Goolkii Ugu Degdega Badnaa Taariikhda K-Aduunka Kaga Adkaatay Ghana

Ghana 1-2 USA

Ghana 1-2 USA

Weeraryahanka Clint Dempsey ayaa dhaliyey goolkii ugu degdega badnaa ee la dhaliyo taariikhda koobka aduunka , kaas oo ahaa goolkii xallay uu ka dhaliyey xulka xidigaha Madmadow ee Ghana , ciyaartu markii ay socotay 29 ilbidhiqsi oo kali ah.

Xulka qaranka Maraykanka ayaa 2-1 ugu awood sheegtay Ghana xallay , ciyaartii labaad ee Group G, kaas oo fiidnimadii hore ee xallay xulka Garmalku 4-0 ku muquuniyey Portuqal.

Andre Ayew ayaa Ghana ku soo celiyey tartanka oo ugu shubay goolkii barbar dhaca laakiin USA may noqon kuwo intaas ku istaaga , 4 daqiiqo oo kali ah markii laga joogey goolkaas ayuu laacibka bedelka ku soo gallay ee John Brooks uu shabaqa ku lulay kubad madax ahayd daqiiqadii 86 aad ee ciyaarta , kaas oo guusha u xaqiijiyey xulka tababare Klinsmann.

Ghana 1 2 USA GHANA I USA GHANA IY USA GHANA IYO USA OO GHANA IYO USA GHANA VS USA CIYAA GHANA VS USA OO GHANA VS USA X GHANA VS USA XA GHANA VS USA XAL GHANA VS USA XALA GHANA VS USA XALAY C GHANA VS USA XALAY GHANA VS USA XALLA GHANA VS USA XALLAY Ghana VS USA

afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com