Askari Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Oo Magaladda Hargeysa Badhatankeeda Ku Dhaawacay Hal Askari Oo La Socaday Iyo Qof Shacaba.

0
Tuesday June 17, 2014 - 13:31:51 in by Super Admin
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Oo Magaladda Hargeysa Badhatankeeda Ku Dhaawacay Hal Askari Oo La Socaday Iyo Qof Shacaba.

    Askari Boliis ah ayaa si kama ah u dhaawacay Laba Qof oo midikood yahay Shacab midi kalena yahay Askari la socday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari Boliis ah ayaa si kama ah u dhaawacay Laba Qof oo midikood yahay Shacab midi kalena yahay Askari la socday,


Dhacdadan ayaa ka dhacday saaka Badhtamaha Suuqa Magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaalinta Shiidalka ee Cajab Horteeda.

Askariga Wax toogtay iyo Afar Askari oo kale oo la socday ayaa la sheegay in gaadhi wadada si khaldan u marayey oo la sheegay in uu wadada  xidhay ayaa askartaasi waxay doonayeen in ay  la hadlaaan si ay waddada uga saaran,  Balse Askari ka mid ah ayaa la sheegay in qorigiisa oo Amaanku Furnaa awadeed ay ka fakatay Rasaas aanu ogeyn in qoriga ay ku jirto,  Waxanay dhawacday askari la socday iyo dirawalkii gaadhiga  shicibka ah  watay.

Labada Qof ayaa Haatan lagu daweynayaa Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, Dhanka  kale ciidamada Booliska ayaa ilaahadda  baadhaya Sababta ka danberysay Khasaarahan gaysatay dhaawaca askarta iyo ninkan rayidka ah.Photo: Askari polis ah ayaa dhaawacay laba qof wadada bartankeeda, Kalinga Cajab ee Bartamaha suuqa, Askarigu sida la shegay muu ogayn inuu Amanku furanyahay mid ka mida ayaa noqday.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com