Daawo Muqaal:Ururuka Daliban Oo Gacmaha Ka Jarjaraya Dadkii Ka Codeeday Dhulka Ay Xukumaan Dorashadii Afganistan.

0
Tuesday June 17, 2014 - 15:25:13 in by salman abdi
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muqaal:Ururuka Daliban Oo Gacmaha Ka Jarjaraya Dadkii Ka Codeeday Dhulka Ay Xukumaan Dorashadii Afganistan.

    Taliban oo dadka ay faraha ka jartay ka qab qabatay tuulo ka tirsan gobolka Heraat ayaa qof walba waxaa ay ka jareen farta Soomaalidu murugsatada u yaqaanaan taasoo ah farta la calaamadeeyo marka dadku doorasho ka qeyb galaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliban oo dadka ay faraha ka jartay ka qab qabatay tuulo ka tirsan gobolka Heraat ayaa qof walba waxaa ay ka jareen farta Soomaalidu murugsatada u yaqaanaan taasoo ah farta la calaamadeeyo marka dadku doorasho ka qeyb galaan.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Afghanistan Max’ed Cumar Daa’uudzaay ayaa sheegay in xubno ka tirsana ragga Taliban u dagaalama ay qafaasheen dad rayid ahaa kadibna ay ka baar baareen inay doorashadii ka qeyb galeen intii ay farahooda calaamado ka heleena ay faraha ka jareen.

Taliban horey ayay u qaadaceen doorashadii dalka Afghanistan waxaana doorashadii ugu dambeysay oo wareeg labaad aheyd ku tartamay musharaxiinta kala ah Cabdalla Cabdalla iyo Asharf Ghaani Axmedsaay.

Dadka ay faraha Taliban ka jareen waxaa ay ku sheegeen inay ciqaab uga dhigayaan kadib markii ay diideen amarkooda oo ay doorashada ka qeyb galeen.

Mid ka mid ah howl wadeenaga Isbitaal dadkaan la geeyay oo magaalada Kabul ku yaala ayaa u sheegay wargeyska warkaan qoray ee Daily Mail in loo keenay 11 ruux oo faraha laga wada jaray.

"Waxay na yiraahdeeen maadaama aad doorashada ka qeyb gasheen waxaa la idinku ciqaabayaa in fartii aad ku codeyseen la idinka jaro” waxaa sidaas yiri nin magaciisa la yiraahdo Mullah Saifullah oo ka mid ah dadka dhibanaayaasha ah.

Maalintii doorashada ee ugu dambeysay guud ahaa dalka Afghanistan waxaa lagu dilay 80 ruux oo u badnaa dad rayid ah kadib weeraro ay Taliban geysteen.

In ka badan 7 million oo ruux ayaa codkooda dhiibtay doorashadii ugu dambeysay waxaana dawladu sheegtay in shacabku dhagaha ka fureysteen goodintii Taliban.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com