Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 10aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

0
Monday November 28, 2016 - 10:47:14 in by
  • Visits: 2174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 10aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

    Qaali waxa ay ku daysatay go,aankii ahaa in ay nafteeda disho, hase yeeshee inta aanay ku dhaqaaqin dilida nafteeda waxa ay qortay warqad dhinacyo badan taabanaysay oo ay kaga war bixinaysay xaalada ay ku sugantayahay iyo waliba dhacdadii foosha xuma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaali waxa ay ku daysatay go,aankii ahaa in ay nafteeda disho, hase yeeshee inta aanay ku dhaqaaqin dilida nafteeda waxa ay qortay warqad dhinacyo badan taabanaysay oo ay kaga war bixinaysay xaalada ay ku sugantayahay iyo waliba dhacdadii foosha xumayd ee uu aabaheed kula kacay willkii miskiinkA ahaa ee muumin isga oo aan wax danbiya lahayn waxbana aanu ka ogayn warqadii xaafada lagaga saaray.

 

 waxayna si toosa warqada  ugu cadaysay in ay warqadii iyadu qortay oo aanu muumin wax danbiya ku lahayn, waxa kale oo ay warqada qaali ku sheegtay qiimaha uu qofka bili aadanka ahi leeyahay iyada oo sheegtay in dhamaanba dadka bili aadanka ahi ay isku xaquuq yihiin fiqiir iyo taajirna aanay jirin wax farqiya oo u dhexeeya waxayna si cad u qeexday iyada oo aabahed farta ku godaysa in aanay fiicnayn in aad qofkale hoos u dhigto adiga oo u aanaynaya maalka aad haysato hadii aad samaysana aad hadahaw gooray ahaataba,ay kaa daba imanayso kana shanlaynayso, sidoo kale waxay warqada ku sheegtay sababta ku kaliftay in ay isdisho iyada oo sheegtay in ay si dhaba u jeclayd muumin oo ahaa wiilkii uu aabaheed gurig ka caydhiyay iyada oo sheegtay in jacaylku yahay dareen dabiiciya kaas oo aanay cidina joojin Karin cidna hor is taagi Karin, isla markaana dhexmari kara fiqiir iyo taajirba.

 

 waxayna sidoo kale warqada ku bayaamisay qiimaha uu le yahay jacaylku iyadoo  sheegtay in jacaylku yahay awood aad ku kala garanayso saxa iyo khaladka  ugu danbayntii waxa ay warqadeeda kusoo xidhay aabo anigu tagaye waxaan kugu ogahay inaad meel uu joogaba muumin doonaysid isla markaana aad ka raali galin doontid khaladkiii aad ka gashay ee aanu isagu wax danbiya ku lahayn dibna u fiiri markaad guriga ka saaraysay xataa kalmad afka kaagama soo celin waxaasina waxay ahayd ixtiraamka waalidnimo ee uu kuu hayo iyo waliba wanaagiisa qofnimo ee uu lahaa, midna aabo iga gaadhsii ayay tiri oo waxaad u sheegtaa muumin hadiiba aad markale kulantaan in ay qaali jacayl xad dhaafa u haysay sababna u noqotay in guriga lagaa eryo una sheeg in jacaylka aan u qabo dartiii aan isu dilay by by aabo ayay kusoo xidhay qaali warqadii ay sii qortay.

 

Markii ay warqadii dhamaysay qaali waxa ay warqadii dul saartay sariirteedii si marka lasoo galaba warqadan loo arko ,waxayna diyaar satay sun ay ugu tala gashay in ay cabto, ax ax ax, xanuun kululaa dhibtiisa jacayl, qaali waxa ay kaga dhabaysay go,aan keedii ahaa in ay aduunka iskaga tagto  waxayna cabtay suntiii ,daqiiqada yar kadib markii suntii dhex sulaaqday jidhkeedii ilay waynu dareemi karnaa saxariirka ay leedahay naftuye waxa ay bilawday taah iyo jibaad uu ka keenay kaarka iyo xanuunka ay naftu leedahay.

 

 isla markiibana waxaa la maqlay jibaadkii qaali wixii dad xaafada joogay oo dhan wa ay isku soo yaaceen dhamaana markii la dul yime qaali waxaa la arkay marxalada ay ku sugantahay, waxaa kale oo markiiba la arkay oo Iyana aan meesha ka fogayn quraaradii ay qaali sunta ka cabtay oo agtaalay cidiba hadal isma waydiin ee markii la arkay in qaaali ay miyir doorsoontay waxaa si degdega loola cararay cusbitaalka intii layksu dayayay in qaali la qaado waxaa la arkay warqadii qaali ay qortay oo sariirta Iyana dul taala, qaali hooyadeed ayaa soo qaaday warqadii waaba qaali farteediii, laakin jaanis uma hayso ay ku akhrido oo inanteedii curad ayaa nolol iyo geeri u dhexaysa waxaan si degdega qaali loo geeyay dhakhtarkii iyada oo markiiba la dhigay qaybta gargaarka degdega ah.

 

Ilayn qofna ma ogaan karo goorta nafta laga qaadayee qof walbana ilaahay (sw) ayuunbaa garan kara goorta uu nafta ka qaadayo, dadaal badan oo ay dhakhaatiirtii sameeyeen waxa ay ku guulaysteen in ay qaali jidhkeeda ka nadiifiyeen suntiii laakiin qaali wali waa sideediii oo waxa ay ku jirtay koomadiiii, markii ay dhakhaatiirtiii kasoo baxeen qaali waxaa markiiba qaylo iyo sawaxan kala horyimi qaali ehelkoodii oo ay ugu horeeyaan hooyadeed iyo aaabaheed kuwaas oo ka war sugayay xaalada inantooda, hase yeeshee waxa ay dhaqaatiirtii u sheegeen in ay ka gaadheen suntii, laakin ay koomo kujirto oo ay soo kici doonto hadii ilaahay u qoray, qaali ehelkoodii aad ayaa ay ugu farxeen markii ay hadalkaa dhaqtarkiii ka maqleen .

 

Qaali hooyadeed oo aad moodo in ay sidii hore ka soo degtay ayaa usoo jeesatay warqadii ay kasoo dul qaaday sariirta ee ay inanteedu qortay waxayna isugu yeedhay  dadkii lasocday si ay ula arkaan warqadan waxa ay tahay iyo waxa ay ku saabsantahay, waxa ayna markiiba bilawday in ay sare u akhrido si dhamaan dadka oo dhami ula socdaan, laakin nasiib daro waxa kaga soo baxay wax aanay ka filanayn oo ahaa jacaylka xad dhaafka ahaa ee ay u qabtay muumin qorshaha dilka nafteeda iyo waliba in aanay qaali ugu tala galin in ay noolaato oo ay aduunkaba maca salaamaysay, markii warqadii lawada akhriyay waxa dhamaanaba mar qudha ilinta isku daray dadkii warqada akhriyay oo dhan kaas oo uu ugu sii darnaa qaaali aabaheeed isla markaaana warqadu si khaasa u taabanaysay,…………. Lasoco akhriste qaybta 11aaad

 

Waxaan ka raali galinayaa dhamaanba akhristayaasha sharfta leh ee sida tooskaa ugu xidhan sheekadan qaybtan oo idin ka raagtay sababo la xidhiidha safar yar oo aan baxay  waad mahad santihiiin

 

 

 

Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 10aad W/Q Maxamed Andar