"Baraha Rasmi ah ee aan ku leeyahay Degelada Internet-ku waa...." Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X.Xasan

0
Tuesday June 17, 2014 - 16:31:11 in by Super Admin
  • Visits: 3125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Baraha Rasmi ah ee aan ku leeyahay Degelada Internet-ku waa...." Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X.Xasan

    Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa markii uhoreysay si cad u shaaciyey Baraha uu ku leeyahay Internetka sida Bloggiisa gaarka ah iyo Page kiisa Facebookga, iyadoo ay jiraan Pages aad u tiro badan oo laga samaystay Magaca Wasiirka lana so geliyo wixii uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa markii uhoreysay si cad u shaaciyey Baraha uu ku leeyahay Internetka sida Bloggiisa gaarka ah iyo Page kiisa Facebookga, iyadoo ay jiraan Pages aad u tiro badan oo laga samaystay Magaca Wasiirka lana so geliyo wixii uu gashado Page kiisa, sidaas awgeed dadku ku khaldama oo u qaataan inu yahay page kii Wasiirka, Wasiirka oo Maanta ka hadlay Qoraal lagaga Been abuurtay oo cinwaanadaas magaciisa lagu isticmaalo mid ka mid ah la soogeliyey qaar ka mid ah warbaahintuna ay xigatay ayaa shaaciyey Baraha uu internetka ku leeyahay Qoraal kooban oo uu so dhigay Pagekiisa khaaska ah ayu ku yidhi sidan:


"Baraha Rasmi ah ee aan ku leeyahay Degelada Internet-ku waa....

Blogg: www.Guusha.com

Facebook page: https://www.facebook.com/pages/Min-Hersi-Hassan/495771917162808?ref=hl


 

Sida aynu la socono xidhiidhku waa xadhiga uugu muhiimsan ee u dhexeeya Bulshada iyo Madaxda hadba u talisa, waxaan jecelahay in aynu marwalba kala helno xog xaqiiq ku dhisan si bulshada u badan dhalinyaradu ay u helaan warbixin ku aadan hanaan socodka xukuumadooda iyo geedi socodka qarankooda

Sidoo kale in aynu talo iyo tilmaam isku waydaarsano goobaha aan kor ku xusay waayo waxaaad tihiin Madaxda Beri "Insha Allah"

Waxaan cod dheer ku beeninayaa maqaal sheegaya in laga soo xigtay bar aan ku leeyahay twiter-ka "waa sidii qoraalku u qornaaye" oo sheegaya in aan waraaq uugu jawaabay Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ee Nicholas Kay.

Warbixin walba oo aanan ku jirin goobaha xidhiidhka bulshada ee aan kor ku xusay waa waxba kama jiraan iyo wax aan sal iyo raad toona lahayn

Meel aad joogtaanba ku noolada sharaf iyo Cizi



Wa Bilaahi Tawfiiq.