"Caddeymaha la hayo ayaa muujinaya in shabakado siyaasadeed oo Kenyan ah ay ku lug leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarrada dhacay" Uhuru Kenyata

0
Wednesday June 18, 2014 - 08:56:34 in by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Caddeymaha la hayo ayaa muujinaya in shabakado siyaasadeed oo Kenyan ah ay ku lug leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarrada dhacay" Uhuru Kenyata

    Madaxweynaha Waddanka Keynya Uhuru Kenyatta Oo Warbaahinta la hadlay ayaa Weerarada Al-shabaab Ku Xidhiidhiyey Siyaasiyiinta Dalkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Waddanka Keynya Uhuru Kenyatta Oo Warbaahinta la hadlay ayaa Weerarada Al-shabaab Ku Xidhiidhiyey Siyaasiyiinta Dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarradii labo habeen oo isku xigay ka dhacay Mpeketoni ayna ahayn kuwo ay soo abaabushay Al-shabaab,Balse ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin leh dano gaar ah.


"Caddeymaha la hayo ayaa muujinaya in shabakado siyaasadeed oo Kenyan ah ay ku lug leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarradaas,” ayuu yidhi Kenyatta oo intaas ku daray inay tallaabo adag ka qaadi doonaan siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay faafiyeen kala qaybinta qomiyadaha Kenya.


Deegaanka Mpeketoni ayaa waxaa laba habeen oo isku xigta weeraray xoogag hubeysan oo dilay 63-qof oo ay ku jiraan ciidammo booliis ah iyo dad ciyaaro ku daawanayay dhismayaan ku yaalla magaaladaas iyo tuulo ku dhow, iyagoo sidoo kale gubay gaadiid iyo dhismayaal ay ku jiraan kuwa ciidamada.


Al-shabaab ayaa sheegatay weerarradaas inay mas’uul ka tahay, inkastoo Uhuru Kenyatta uu sheegay inay falalkaas ku lug leeyihiin shabakado siyaasadeen oo Kenyan ah oo aanu sheegin magacyadooda.


"Waxaan noolnahay xilli dadkeennu u nugul yihiin taxadar la’aanta iyo nacaybka ay abuurayaan siyaasiyiinta Kenya qaarkood,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo mar kale yidhi: "Ma jiro dastuur difaacaya hadallada nacaybka ku dhisan, tanina waa mid aan la aqbali karin… dalkuna marnaba u weecan maayo waddada kala qaybsanaanta qowmiyadaha.” ayu yidhi


Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in saraakiisha booliiska iyo kuwa sirdoonka ee deegaankaas oo ku fashilmay inay wax qabtaan dhibaatooyinka dhacay laga joojiyay shaqadii, lagana furi doono dacwad ka dhan ah maxkamadda sare, ayna qaadan doonaan mas’uuliyadda wixii dhacay.


Taliyaha booliiska Lamu, Leonard Omollo, guddoomiyaha degmada Mpeketoni, OCS iyo saraakiil sare ayuu hadalka madaxweynaha Kenya saameynayaa. wuxuuna Kenyatta tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarradaas is-xigay ee ka dhacay Mpeketoni, isagoo xusay in dowladdu ay dadka dhintay u sameynayso aas Qaran iyo baroor-diiq.


"Weerarkii ka dhacay Mpeketoni waa mid ku saleysan isir-nacayb iyadoo si gaar ah loo beegsaday qowmiyad ka mid ah kuwa dalka Kenya, si ay halkaas uga soo guuraan, mana ahan arrin ay ka dambeyso argagaxiso, balse waa mid ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin Kenyan ah, waxaana ka faa’iideystay kooxo dambiilayaal ah,”


Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xiisado ay ka taagan yihiin deegaanadii ay labada habeen ee is-xiga ka dhaceen ay maanta ka jiraan rabshado ay sameynayaan ehellada dadkooda la laayay.







Afkashacabka.com

Nairobi -kenya  /Office

Contact@afkashacabka.com