Akhlalaadii dhallinyaradeenu ma sidan bay ahaan jirtay? (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

0
Friday December 02, 2016 - 11:59:19 in by salman abdi
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhlalaadii dhallinyaradeenu ma sidan bay ahaan jirtay? (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

    Mid ka mid ah basaska u kala goosha magaalada Hargeysa gudaheeda, gaar ahaan xaafada jig-jiga yar ayaan soo raacay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah basaska u kala goosha magaalada Hargeysa gudaheeda, gaar ahaan xaafada jig-jiga yar ayaan soo raacay,

salaadii casar ka dib waanu nala soo dhaqaaqnay, baskan oo ahaa nooca qaada sodoanka qof, Xiligaa waxaan fadhiyey kursiga inta badan loo yaqaano kursi waayeelka ,hareerahaygana waxaa fadhiya dad iskugu jira rag iyo dumar oo intooda badani culimo yihiin kutub iyo buuggaana gacmaha ku sitaan oo qiyaastii u eg dad meel machad ah ka soo rawaxay ama ku sii socoda, waxaase iyagu ka duwan oo camirtay sideeda kursi ee ugu dambeeya nimam dhaliinyaro ah oo sideeda da’adoodana aan ku qiyaasay 19 jir ilaa 25 jir, waa xoogii dalka u soo korayey, nasiib daro,aakhlaaq xumo aad u fara badan ayaa ka muuqatay mararka qaarna way qaylinayeenba, iyagoo heeso kala jaad jaad ah ku luuqaynaya, dhawr jeerna aniga iyo qaar rakaabka baska ka mid ah ayaa isku daynay kana codsanay in ay xishoodaan oo naga joojiyaan waxaan ay wadaan, laakiin dhegba laq nooma siin, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa dadku waa laba oo waxay kala yihiin:

"Dhego laab u daloola iyo dhego laydh u daloola.

Aakhirkiiba waxay la soo baxeen sameecad weyn oo mimorigan ay ku duuban yihiin heeso aad u badan oo kolba midi ka soo burqanayso iyagoo jiibta iyo jaantaba ku daraya intay heestu socoto, dadkii gaadhiiga saarnaa amakaag iyo yaaba ka soo hadhay!, waxase sacabka iyo farxad laysla oogsaday markii dirawalkii basku shiday, muxaadaro Sheekh Mustafe Ismaciil jeedinayey oo halku dhigeedu ahaa "Awoodaha la dayacay ", inkasta oo muxaadaradii iyo heestii muddo hal daqiiqo ku siman wada baxayeen, haddana aakhirkii waxa ka cod dheeraday oo shiikhiyey muxaadaradiinimankii dhallinyarada ahaana iyagoo khajilsan ayeyiska bakhtiiyeen heesihii, kamaanu guulaysaneen haddii aanu basku ahayn bas cusub oo sameecadihiisu aanay wanaagsanayn.
Haddaba waxay su’aashu tahay maxaa ka siya dhalliyaradeena markay waxayaabaha anshax xumada ah samaynayaan, mida kale akhlaaqdii dhallinyaradeenu ma sidan bay ahaan jirtey.

Kamaal Xassan Isaaq

Tell: 00252-63-4402758

kamalcadow@hotmail.com