Brazil Oo Taako Kala Kulantay Mexico, Iyadoo Ochoa Uu ahaa Halyeygii Neymar Dhuunta U Galay

0
Wednesday June 18, 2014 - 10:26:46 in by Super Admin
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo Taako Kala Kulantay Mexico, Iyadoo Ochoa Uu ahaa Halyeygii Neymar Dhuunta U Galay

    Xulka marti gelinaya Koobka Aduunka ee Brazil ayaa la celiyay, kadib ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Garoonka Estadio Castelao oo ay bar bar dhac goolal la'aan ay ku kala baxeen xulka ay xafiiltamaan ee Mexico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka marti gelinaya Koobka Aduunka ee Brazil ayaa la celiyay, kadib ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Garoonka Estadio Castelao oo ay bar bar dhac goolal la'aan ay ku kala baxeen xulka ay xafiiltamaan ee Mexico.


Brazil ayaa la filayay inay ka badiso Mexico, si ay u xaqiijiso u soo bixitaankeeda wareega 16-ka, hase ahaatee ciyaartoyda Mexico ayaa ciyaar layaab leh iyo iska caabin adag la soo baxay, iyadoo goolhayahooda Ochoa uu ahaa geesiga ciyaarta.

Xidigaha Brazil ayaa aad u raadinayay inay gool dhaliyaan, waxaana laacibka Brazil Neymar uu dhowr jeer isku dayay inuu gool dhaliyo.

article-2660535-1EDC889500000578-351_634x452

Mid ka mid ah fursadihii ugu halista badnaa ee uu helay Neymar ayaa aheyd kubad loo soo karoosay oo uu madaxeeyay, waxaase si fantastik ah kaga bad baadiyay goolhayaha Mexico Ochoa.

Tababaraha Brazil Scolari ayaa aad uga jahwareersanaa ciyaarta iyo qaab ciyaareedka aan muuqan ee ay soo bandhigayeen ciyaartoydiisa, waxaana uu qeybtii labaad uu bedelay Ramires iyo weeraryahankiisa Fred, si uu ciyaarta wax uga bedelo, balse ma aanay dhicin.

 

Goolhayaha Mexico ayaa mar kale bad baadiyay kubad halis aheyd, kadib laad xor ah oo uu soo qaaday Neymar, waxaana madaxeeyay Thiago Silva, balse Ochoa ayaa ka beeniyay oo ka bixiyay kubadaas.

Ochoa ayaa afar fursadood oo halis aheyd ka bad baadiyay Brazil, labo ka mid ah fursadahaas wuxuu si layaab leh uga bad baadiyay Neymar, Paulinho iyo Thiago Silva, isagoo ahaa xidiga ciyaarta.

Mexico ayaa ku sigatay in dhamaadkii ciyaarta iay gool dhaliso, kadib weerar rogaal celis ahaa oo ay soo qaadeen uu Raul Gimenez uu kubad gantaal aheyd ku tuuray goolhaye Julio Cesar, balse uu si cajiib ahna isaga soo tafay.

Labada xul ayaa labo sano ka hor isku arkay Koobkii Olimbikada Aduunka ee lagu qabtay London, waxaana ciyaartii kama dambeysta ee Final-ka koobka qaaday xulka Mexico.

braa

Brazil ayaa hada Group A ku hogaamineysa afar dhibcood oo ay kaliya farqiga goolasha ku sareyso, halka Mexico ay iyana leedahay afar dhibcood, labada xul ee caawa ciyaari doona Croatia iyo Cameroon ayaa natiijada il gaar ah lagu heyn doonaa, maadaama labo ciyaar oo kale ay harsan yihiin.




Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com