In La Ictiraafo Somaliland Is Bedel Intee Le'eg Ayuu Keeni Karaa W/Q, qalinkii Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade)Qaybtii 3aad

0
Friday December 02, 2016 - 15:00:47 in by salman abdi
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In La Ictiraafo Somaliland Is Bedel Intee Le'eg Ayuu Keeni Karaa W/Q, qalinkii Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade)Qaybtii 3aad

    waxaynu hore uga soo hadalnay qodobadii 1 – 4aad maantana waa qodobkeenii 5aad ee inoo socday, waxa ay tahay horumarka intaa le'eg Singabuur maxaa u keenay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaynu hore uga soo hadalnay qodobadii 1 – 4aad maantana waa qodobkeenii 5aad ee inoo socday, waxa ay tahay horumarka intaa le'eg Singabuur maxaa u keenay?

Singabuur sidee ku gaadhay horumarka intaa le’eg?

5) waxa uu fududeeyey Raysulwasaare LEE KUAN YOO habka uu qofka muwaadinka ku helayo adeegyada uu dowlada uga baahdo halkii intaasoo wasaaradood wax u doonan lahayd .

Tusaale : waxaad u baahantahay inaad cashuurta bixiso halkii intaasoo meelood soo mari lahayd oo canshuurta ku soo kala bixin lahayd waxa uu keenay hab fudud oo la yidhaahdo one application wax kasta oo aad xukuumada ka rabto hal qoraal ayaaba kuu haya qoraalka markaad buuxiso waxaaga waa kuu dhanyahay.

Singabuur waa wadanka ugu fudud inaad shirkad sameysato umana baahnid intaasoo wasaaradood inaad soo marto applicationka uun baad ka buuxinaysaa internetka waanad

daabacaysaa waxaana kuu soo baxaya warqadii liisanka automatically shirkadiiba waad samaysatay halka maanta dalkeena shirkad cid sameenaysa intaas oo hab ah inaad marto iyo intaasoo wasaaradood taasina waxa ay keenaysaa corruption qofkiina raadsado hebel maadaama uu ogyahay hadii xafiiska tago aan loo dhameenayn waqtina ku qaadanayso nin buu raadsanayaa wasaarada jooga garanaya ,kaabaa wasiilad u noqonaya khadkana u sahlaya ama waxa laga yaabaa inuu lacag bixiyo waxa kale oo laga yaabaa maanta dalkeena markaan ka sheekeenayno hadii qof laya qaana tahay ama lacag haysta hadii uu xukuumada wax uga baahdo markiiba loo dhameenayo laakiinse hadii aad miskiin tahay cidna aadan garanayn waxa dhacda in bilo lagu soo cel celiyo.

6) waxa uu tix gelin gaara siiyey dhisida awooda muwaadinka iyo aqoontiisa waana

qodobka ugu muhiim sanaa ee uu reysulwasaare LEE KUAN YOO sameeyey waxa uu hagaajiyey tayadii waxbarashada 20% miisaaniyada xukuumada waxa lagaliyey waxbarashada si muwaadin aqoon leh loo soo saaro intaasoo fursadood oo dibadaa ayaa la keenay oo muwaadiniinta loo diray si ay wax u soo bartaan iyadoo awooda la saarayey waxa ay soo baranayaan aqoonta dalka u baahanyahay sidoo kale waxa uu awooda saaray Technicalka awooda farsamada in ay dadku bartaan ,sayniskana bartaan taasi waxa ay keentay in ay soo noqdaan dad badan oo wax soo bartay oo khubaraa .

shirkadaha ajnabiga ah ee dalka yimaada wax yaalaha ugu muhiimsan ee uu ku xiri jiray waxa kamida inay shaqaalaha muwaadiniinta ah u tababaraan sidoo kale waxa uu kala heshiin jirey in numberka ugu badan ee shaqaalaha in ay noqdaan muwaadiniinta xirfadahana baraan hadii ay shirkadaas takto ugala haraan xirfadii.

7) waxa uu dhisay kaabayaashii dhaqaalaha sida Wadooyinka,Dekedaha , Madaarada

IWM marka ay wufuud caalamiya ay doonayaan inay yimaadaan wadanka si ay iila kulmaan waxaan sameeyey marka ay madaarka ka soo degaan oo uu rabo inuu xafiiskayga yimaado wadada uu u soo marayo ayaan hagaajiyey aad baana u qurxiyey sababtana waxa ay ahayd in uu fikrad fiican ka qaato dalka.

8) waxa uu shaqooyinka dowlada u magacaabay dad aqoon ahaan dhisan kuna qaatay

sifo sharciga waafaqsan mushahar ku filana siiyo mushaar u dhigma kuwa privateka bixiyaan qaarna wuuba kaga fiicnaa waana caalamka wadamada ugu horeeya xaga mushaarka shaqaalaha dowlada uguna fiican.

9) waxa uu sameeyey sanduuqa keydka ah ee bulshada qofkasta oo shaqaalaa lacagta

soo gashaa wax laga jarayey in yar oo kooban cida uu u shaqeenayana in yar baa laga jarayey lacaagtaana waa loo biirinayaa waana la siinayaa keydkaa laga jaray si uu guri ugu iibsan karo iyo inuu caafimaadkiisa ku daryeeli karo si aanu uga werwerin noloshiisa , caafimaadkiisa iyo haday shaqada ka dhamaato waxa uu ku sii noolaan lahaa .

Hadaba dalkaa yar ee Singabuur la yidhaahdo isaga oo dhibaatadaa aan ka soo sheekeenay soo maray oo aan resource lahayn dadkuna aad u yar yihiin biyahana meela kale ka keesan jiray dhulkana ku yaraa oo badii buu isku dayayaa in uu kolba dhul u sii badalo , dalka noocaasa horumar buu gaaray waxa gaarsiiyey hogaamiye LEE KUAN YOO waxa ayna ku qaadatay 25 sano.

Dalkeena markaan ka sheekeenayno ilaahay nimcooyin badan buu nagu maneestay waxa ugu horeeya waa islaam dad muslimiina oo diin leh ilaahay SWC naga dhigay waxaa intaa inoo wada dheer dad isku wada jinsi ah , isku luuqada ,isku afa oo meel ka soo wada jeeda ayey umadeenu tahay ilaahay dhul aad u weyn ayuu na siiyey somaliland waxa ay haystaa dhulkeeda 137,600 KM2 oo buurihii iyo banaankii ku jiraan ayuu ilaahay na siiyey intaa soo resource oo qarsoon ayaa jira haday petrol tahay iyo haday macaadin tahay ,beerihii baynu leenahay , xoolihii noolaa ayeynu leenahay, kaluunkii bada ayaa inoo yaala sidoo kale bulsho aad u fara badan oo wax qabsan kartaa ayeynu nahay 70% waa dhalin yaro ,dhalin yaradana iygaa horumarka keena ,waxaasoo dhan inaga oo haysana qof kasta waxa uu taagan yahay xageen wax ka helaa iyo biilkii .

markaa somaliland waxa ay u baahantahay hogaamiye aad u fiican kaa soo keeni karahorumarka aan rabno hogaamintana kama bilaabanto xaga sare waa in xaga hoose iska soo dhisnaa qofkastana iska dhigo muwaadin daacada inuu yahay oo xaga sare oo kaliya wax laga eegin.

Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (Shaam Cade)Abdirahmaanho@hotmail.com