Daawo Sawirada: Dab Ka Kacay Hotel Kuyaala Magaalada Karachi Oo Dad Badan Ku Dhinteen

0
Monday December 05, 2016 - 15:42:48 in by Burco Office
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Dab Ka Kacay Hotel Kuyaala Magaalada Karachi Oo Dad Badan Ku Dhinteen

    Dab xoogan ayaa qabsaday dhismaha Hotel nuuca raaxada ah oo kuyaala magaalada Karachi ee dalka Pakistan, waxaana dabkan uu sababay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xoogan ayaa qabsaday dhismaha Hotel nuuca raaxada ah oo kuyaala magaalada Karachi ee dalka Pakistan, waxaana dabkan uu sababay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay dabkan waxaa ku dhintay 11-qof oo kamid ahaa dadkii degnaa Hoteelkaasi oo nuuca raaxada, waxaa sidoo kale ku dhaawaacmay dabkaasi dad badan, kuwaa oo iska soo tuuray daaqadaha dabaqyo dhaa dheer.

Hotelka uu dabku qabsaday oo lagu magacaabo Regent Plaza hotel ayaa waxaa degnaa dad badan ay ku jiraan Ajaaniib, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan waxa dhaliyay dabkan qasaaraha xoogan dhaliyay.

Duqa magaalada Karachi Waseem Akhtar ayaa Warbaahinta u sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabkan, waxa uuna sheegay in aysan wali kala cadeen waxa sababay dabkaasi qabsaday Hotelka.

Muuqaalo ay Warbaahinta Caalamka qaarkood baahiyeen ayaa muujinaya dadka qaarkood oo qololkii ay ku jireen markii ay ku go'doomeen isku xirtay go'yaal si ay uga boodaan daaqadaha Qololkii ay ku jireen.