Daawo: Wasiirka Cusub ee Qorsheynta oo Si Meeqaamkeedu Sarreyo looga sii Sagootiyey Togdheer si weyna loo Majeertay
Xubno kamida Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco ayaa Munasibad Ballaadhan oo ay ku sagootinayeen Gudomiyihi hore Gobolka Togdheer ahna Wasiirka Cusub ee Wasaarada Qorsheynta Md Qabyo Tire ku Qabtay Magaalada Burco
Munasibaddan ayay ka so qaybgaleen Guud ahaanba Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Togdheer Waxayna Dhammaantood ka marag kaceen kaalintii Muuqatay ee uu Md Qabyo Tire kaga JIray Horumarka Gobolka iyago ku majeertay Waxqabadkii Muuqday ee uu Wasiirku ka geystay Gobolka Togdheer iyo Sidii qiimaha iyo Odaynimada lahayd ee isugu Waday Bulshada Gobolka
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo ka mid noqday Badhasaabada soo maray Gobolka Togdheer ee ku dallacay ayaa munasibada ku so afmeeray ereyo mahad celin bogaadin iyo dardaaran isugu jiray isagoo reer burco ku bogaadiyey gobonimadooda sido kalena tilmaamay in Burco tahay meel la maamulo oo madax laga noqdo meesha ugu wanaagsan iyo weliba inay tahay meesha dallacsiisa ee madaxda ka dhigta cid kasta oo han leh.