Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 11aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

0
Thursday December 08, 2016 - 23:44:02 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 11aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

    Markii xaaladu halkaa maraysay ee qof wal oo warqadii akhriyaaba ilintu ka daadatay, waxa ay noqotay in qaali aabaheed uu dadkii gooni uga baxay isla markaana bilaabay fikir dheeraada waxa uuna markiiba is waydiiyay dhacdadii uu kula kacay muumin iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii xaaladu halkaa maraysay ee qof wal oo warqadii akhriyaaba ilintu ka daadatay, waxa ay noqotay in qaali aabaheed uu dadkii gooni uga baxay isla markaana bilaabay fikir dheeraada waxa uuna markiiba is waydiiyay dhacdadii uu kula kacay muumin iyo waliba sida uu muumin aanu wax jawaab ah u siin isaga oo xataa laga khaldanaa, markiibana waxaa u sawirantay wanaaga iyo shaqsiyada uu lahaa muumin, waxa uuna halkii ku bilaabay qoomamo iyo waliba in uu is waydiiyo halka uu joogo muumin.


 

Hase yeeshee cid ogi majirto oo muumin waxa uu daris la noqday nolol kalinimo ah isaga oo ilaahay (sw) kaashanaya, waxa uuna bulshadii iyo xaafadii uu ku noolaa ka doorbiday  in uu daris la noqdo kaynta iyo xayawaanka isaga oo ka dheeraanaya fadeexada iyo dhaleecayntii uu kula kacay kii uu dadba ka eganayay ee ahaa qaali aabaheed cisman,

 

Iyada oo dhinac walba xaaladu halkaa marayso ayaa waxaa mar qudha koomadii kasoo baxday oo indhaha soo kala qaaday  qaali oo aan ugu tala galin in ay aduunka sii joogto hase yeeshee ilaw sanayd in qofku wakhtiga uu dhimanaayo ilaahay uun garan karo, dadkii meesha joogay oo dhamaantood wadnaha farta ku hayay, mar qudha ayaa ay wada farxeen waxa ayna bilaabeen in qaali la waydiiyo xaaladeeda caafimaad qaali hooyadeed ayaana ugu horaysay oo ku tiri hooyo side tahay hada? Hase yeeshee qaali waxa ay ku jawaabtay hadal aan laga filanayn isla markaana dadbadan layaab ku noqday, waxayna tiri, iyada oo kor uqaylinaysa muumin sideeyahay, muumin ma nool yahay? Qaali hooyadeed oo markii hore doonaysay in ay wax ka ogaato xaalda inanteeda ayaa ugu jawaabtay, haa hooyo muumin waa uu fiicanyahay,  qaali ayaa markale hadalkii kusoo noqotay waxayna tiri , muumin iigu yeedha inaan arko Ayaan rabaa iyada oo dhawr jeer ku celcelinaysa muumin iigu yeedha, muumin iigu yeedha, muumin iigu yeedha, inaan arko Ayaan rabaaye.

 

Markale dadkii meesha joogay waxa ay aad uga qiiroodeen hadalada qaali oo markaa ku salaysnaa hadalo dareenle waxaana dadkii meesha joogay noqdeen kuwa indhahooda ilmo ka daadanayso isla markaana aan wax jwaab ah celinayn, hase yeeshee dhaqtarkii markaa goobta joogay ayaa amar ku bixiyay in ay dhamaan dadku debeda uga baxaan bukaanka inta ay maskaxdeedu dagayso, markii dhaqtarkii kali ku noqday qaali ,dhakhtarkiina waxa uu bilaabay in uu maskaxdeeda dajiyo isaga oo si naxariisle ula hadlaaya, hase yeeshee weedhaha kaliya ee qaali afkeeda kasoo baxaya ayaa ahaa , magaca muumin iyada oo waliba sare uqaylinaysa.

 

Markiiba dhaqtarkii waxa uu gartay in magaca qofkan ay qaali ku dhawaaqaysaa uu yahay shaqsi samayn wayn ku le nafteeda yahayna qof ay aad ujeceshahay isla markaana, dhibaato fara badani kala hortaagantahay, daruurina tahay in loo keeno wiilkaas, si xaaladeeda caafimaad u degto, waxa uuna dhakhtarkii  u yimi qaali hooyadeed iyo aabaheed si uu wax uga waydiiyo magacan ay ku dhawaaqaysaa qofka uu yahay? Qaali hooyadeed iyo aabaheed waxa ay si wada jira, uga sheekeeyeen dhakhtarkii  cida uu yahay muumin, sida uu faamligooda ugusoo biiray, halaka uu kagajiro faamligooda, iyaga oo si toosa uga sheekaysay noloshiisii dhabta ahayd ee muumin , waxa kale oo ay dhaqtarkii uga sheekeeyeen sidii foosha xumayd ee uu cismaan (waa qaali aabaheede) uu xafada uga saaray wiilkaas isga oo aan wax danbiya lahayn waxa kale oo ay dhaqtarkii uga shee keeyeen warqadii ay qortay inanteedu ee ay kaga sheekaynaysay sida xad dhaafka ah ee ay ujeclayd muumin iyo waliba in wiilkaas khalad laga galay , qaalina ay nafteeda u hibaysay wiilkaas.

 

Markiiba dhakhtarkii waxa uu garwaaqsaday cida uu yahay muumin isaga oo waliba ku saleeyay in uu yahay qof nolol adag soomaray samirna le, yahayna shaqsi karti le, saamayna qasb tahay in uu ku dhex yeesho bulsho, waxa uuna kula taliyay qaali hooyadeed iyo aabaheedba in ay wiilkaas raadiyaan si xaalada inanteedu uga soo rayso waxa kale oo uu usheegay in inanteeda xanuunka hayaa yahay dareen jacayl oo aanay cidina dawayn Karin dareenkaas, hadii arinkaa la dhayal sadana ay markale nafteeda halis galin karayso inanteedu(yacni markale naftteeda dili doonto).

 

Hadii uu cismaan(waa qaali aabaheede) uu markii hore si bilaa xushmad ah muumin guriga uga saaray hada waxaa khasab ku noqotay in uu muumin guriga kusoo celiyo isga oo waliba raaligalin buuxda ka bixinaaya isaga oo ka talinaaya xaalada caafimaad ee inantiisa, Qaali hooyadeed iyo aabaheed waxaa ku dhasahay fikir ah sidii ay ubaadi goobi lahayeen muumin, isla markaana ay inanteeda ugu keeni lahaayeen waxayna diyaar u noqdeen in goor ay ahaataba ay qaali horkeenaan wiilka ay nafteeda u hibaysay isla markaana ay ku hadaaqayso……….. lasoco qaybta 12aad

 

w/Q maxamed Andar

gmail: maxamedqani122@gmail.com

facebook: mxamed andar