Madaxweyne Xassan Sheekh oo u anbabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

0
Friday December 09, 2016 - 13:27:55 in by salman abdi
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xassan Sheekh oo u anbabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

    Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud ayaa goor dhaw ka anbabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud ayaa goor dhaw ka anbabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa lagu waddaa in magaalada Addis Ababa uga qeyb-galaan shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD oo halkaa ka furmaya, kaa oo qodobada looga wadda hadlayo qeyb ka tahay xaalada Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka arrimaha doorashooyinka.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya maalin kaddib markii magaalada Muqdisho uu ku soo idlaaday shirkii madasha-wadda-tashiga ee hogaamiyayaasha Soomalida, kaasoo lagu go'aamiyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo dhici doonta ilaa 28ka bishan December.

Marka laga soo tago ka qeyb-galka shirka, madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda qaarada ee shirkaasi ka qeyb-gali doona.