Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Lagu Marti Qaaday Shirka Qoomiyadaha Ee Wadanka Itoobiya

0
Friday December 09, 2016 - 13:35:46 in by salman abdi
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Lagu Marti Qaaday Shirka Qoomiyadaha Ee Wadanka Itoobiya

    Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyamiyaha Xiligan ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa Dawlada Federaalka Itoobiya ka helay martiqaad heer qaran ah oo lagu maamuusey ka qeybgalka Xuska maalinta q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyamiyaha Xiligan ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa Dawlada Federaalka Itoobiya ka helay martiqaad heer qaran ah oo lagu maamuusey ka qeybgalka Xuska maalinta qawmiyadaha dalkaasi oo ku beegneyd sanad guuradii 11aad ee loo dabaaldego qawmiyadaha dalka Itoobiya.


Murashaxa Xisbiga Wadani ee jagada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro) iyo wafti uu hogaaminayo oo shaley dalka ka ambabaxey waxa si heer qaran ah ugu soo dhaweeyey Magaalada Herer masuuliyiin sare oo katirsan Xukuumada Federaalka Dalka Itoobiya oo uu hormuud u yahey Gudoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedraalka shucuubta Itoobiya,Wasiiro Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.

Murashaxa Wadani oo saaxiibo badan iyo xidhiidh qoto dheer la leh Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu fursadan maalinta qawmiyadaha Dalka Itoobiya ee sanad guuradeedii 11aad lagu xusayo Magaalada Taariikhiga ah ee Herer oo kamid Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo ay laf ahaanteeda ku nool yihiin qawmiyado kala duwan in uu kulano gaar ah kula qaato Raysalwasaaraha dalkaasi Haile Mariam Deselegn si ay uga wada xaajoodaan arimaha mandaqada iyo qadiyadaha xidhiidhka Somaliland i yo Itoobiya,Sidoo kalena Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani oo Magaca Somaliland dal ahaan ugaga qeyb galey xuskan qawmiyadaha ayaa sanad kasta lagu martiqaadaa maalintan qiimaha u leh dalka Itoobiya iyadoo lagu soo dhaweeyo maamuus qiima leh oo ay kuwada sheekaystaan masuuliyiin badan oo dalalka Afrika ah iyo diblamaasiyiin dalalka Caalamka kasocda halkaas oo Cabdiraxmaan-Ciro ku gudbiyo qadiyada Somaliland iyo maraaxilkeeda dimuqraadiyadeed ee Doorashooyinka iyob rajooyinka Mustaqbal ee ay Somaliland Dunida Caalamka ka fileyso.

Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa dad badani aaminsan yihiin in uu fursadahan Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Dawlada Itoobiya ku kasbadey waayo aragnimadiisa Diblamaasiyadeed.