Doodii Ugu Xiisaha Badnayd Oo Shalay Ka Dhacday Xarunta Midowga Afrika Ee Addis Ababa.

0
Saturday December 10, 2016 - 11:36:41 in by Burco Office
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doodii Ugu Xiisaha Badnayd Oo Shalay Ka Dhacday Xarunta Midowga Afrika Ee Addis Ababa.

    Doodii ugu xiisaha badnayd ayaa shalay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doodii ugu xiisaha badnayd ayaa shalay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Dooddan ayaa waxa ku loolamayay shan diblomaasi oo doonaya inay ku guulaystaan guddoomiyaha fulinta ee ururka Midowga Afrika oo ay hadda ku fadhido haweenayda hore u ahayd wasiirka khaarajiga Koonfur Afrika Nkosazana Dlamini Zuma. Afar ka mid ah shanta xubnood ee tartamaya ayaa soo noqday wasiirada arrimaha dibadda ee Afrika, waxaana ku jirta Aamina Maxamed oo ahayd wasiirka khaarajiga ee Kenya.

Doodan ayaa la qabtay ka dib markii ay madaxda Midowga Afrika shirkoodii u dambeeyay ee Kigali ku guulaydaraysteen inay isku raacaan qofkii jagadan qaban lahaa, waana sababta keentay in tartan adag loo galo.

Mid kasta oo ka mid ah shanta diblomaasi, wuxuu mid waliba soo bandhigay barnaamijkiisa wax qabad haddii uu ku guulaysto jagadan oo ah diblomaasiga ugu sareeya qaaradda Afrika.

Markii ay madaxda Afrika isku raaci weyday hal qof, waxa la isla qaatay inay xilkan sii hayso bilaa bisha January ee 2017 Ms. Nkosazana Dlamini Zum

Dadka ka soo jeeda qaaradda Afrika ayaa shalay su’aalo baraha bulshada ku soo weydiinayay murashixiintan, kuwaas oo iyaguna ka bixiyay jawaabo kala duwan.

Shanta diblomaasi ee tartamaya ayaa kala ah:

1.Aamina Maxamed, wasiirkii arrimaha dibadda ee Kenya

2.Pelonomi Venson-Moitoi, wasiirkii arrimaha dibadda ee Botswana

3.Agapito Mba Mokuy, wasiirkii arrimaha dibadda ee Guine

4.Abdoulaye Bathily, Ergaygii Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyada badhtamaha Afrka

5.Moussa Faki Mahamat, wasiirkii arrimaha dibadda ee Chad