Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayb Galay Dood Cilmiyeed Lagaga Hadlaayo Qaabka Looga Hortagi Karo Abaaraha+Sawiro

0
Saturday December 10, 2016 - 11:43:27 in by Burco Office
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayb Galay Dood Cilmiyeed Lagaga Hadlaayo Qaabka Looga Hortagi Karo Abaaraha+Sawiro

    Hoggaamiyaha Xisbi Mucaaradka WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan Iyo Xoghayaha Arimaha Debada ee Xisbiga & siyaasiga Madaxa -bannaan ee C/kariin Maxamwed Mooge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Xisbi Mucaaradka WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan Iyo Xoghayaha Arimaha Debada ee Xisbiga & siyaasiga Madaxa -bannaan ee C/kariin Maxamwed Mooge

ayaa habeenkii xalay ahaa si wadda jir ah uga qayb-galay dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Xarunta Hiddaha Dhaqan,Akhriska Iyo Hal-Abuurka Maxamed Mooge",taaasi oo lagu lafa gurayey xalaada abaaraha soo noqnoqday ee gayiga Somaliland,iyadoo ay ka qabsoontay doodanu Huteelka Maamuus ee magaalada Hargeysa.

 

Doodan lagaga Haddlay abaaraha ee ay soo qaban qaabiyeen Naadiga Kaydka, Hiddaha dhaqanka , AKhriska Iyo Hal-abuurka ee Maxamed Moooge,ayaa waxaa halkaasi ugu horrayn ka haddashay Marwo Hoodo oo kamid ah kooxda soo qaban-qaabisya doodaasi ee Naadiga Maxamed Mooge,iyadoo halkaasi ka jeediysay haddalo mahad-naqa u badan,kuwaas oo ay ugu mahad-naqday saddex-dan masuul ee dooda sida gaarka ah loogu soo casuumay iyo weliba bulshadii kale ee ka soo qayb-gashay doodaasi ama dawadayaashii.

Dhan kalena waxa isna halkaasi ka haddlay Siyaasi C/kariin Maxamed Mooge oo kamid martida doodaasi waxaan Kamid ahaa haddaladiisii"weynu ognahay oo abaartu waxay noqotay wax soo noq-noqday sanadkasta, xaqiiqdun waxa weeye sanadkasta ama abaarkasta day ka dambaysay ayey ka sii dhibaato badan tahay,abaarahan soo noqnoqonayaa waxay saamayn togan ku leeyihiin runtii,nolosheena iyo nolosjha reer guuraaga,waxaanay taabataa runtii dhaqaalaha Somaliland,xalka ilaa maanta aynu u haynaa waxa weeye qayla dhaan aynu dirno marka ay abaartu ina taabato iyo qaadhaan aynu ururino marka ay baartu dhacdo,"Ayuu yidhi SiyaasiC/kariin Maxamed Mooge

Sidoo kalena waxa isna dood cilmiyaadkaasi ka haddlay xoghayaha arimaha debada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal,waxaanu ka sheekeeyey abaarihii kala dambeeyey ee dalka ku dhacay,isagoo sheegay xalka lagaga bixi karro abaaraha soo noqnoqonaya ee sanaddihii u dambeeyey dalka naafeeyey.

Ugu Dambayntii waxa isna halkaasi ka haddlay hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaji Cali Xasan isagoo ku dheeraad haaddalka waxana kamid ahaa haddaladiisii"Runtii dhibaato weyn oo culus baa ay sababayaan is dhaaf-dhaafka iyo ururka lagu ururayo ee roobkaa yar ee yimaada loo ururayaa,markaa waaxa mihiim ah runtii in marwalba sidii looga qayb-qaadan lahaa ka keenaya isku soo guurka ay isu yimadeen iyo ka keenaya waxa weeye geediga uu qofna alaabtuusi iyo wixii ka yimi iyo culayska ku yimi labadaba in laga qayb-qaato,waxa susi mudan runtii dhulkan laga soo guuray ee dadku ka soo guureen ee meelah fog lagaga soo guuray dad-baa ku dayacan oo lagaga yimi,"Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi