Cambaarayen. ! Xal Lagu Dawoowo.W/Q Abdisalan mahdi cirro

0
Sunday December 11, 2016 - 17:51:18 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1345
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 11
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cambaarayen. ! Xal Lagu Dawoowo.W/Q Abdisalan mahdi cirro

    Ugu horayen sas iyo diditaan ba laga qaba adeegsiga kalmaddan lamarin habaabshay, ha ila yaabin waa runtay wana laga leexshay jidkeedi oo maalin walba waxa aynu Fogaan-aragyada iyo Maqal-tabiyaasha gayigeena ka dheehana kana dhageesana hab tilmaam la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horayen sas iyo diditaan ba laga qaba adeegsiga kalmaddan lamarin habaabshay, ha ila yaabin waa runtay wana laga leexshay jidkeedi oo maalin walba waxa aynu Fogaan-aragyada iyo Maqal-tabiyaasha gayigeena ka dheehana kana dhageesana hab tilmaam la qaloocshay amba tabin la dhooqeeyay.  Inta badana xabsi iyo nacayeb mid koodna noo roonayen bay dhasha wana xalka ka dhax dilaca dheega canbaarayntu ku socoto iyo janbiga ay dhalishu ka timi, run ahaantina waa ficilada naga saaqidiyay la jaanqaadka asaageen. bal haddaba aan dul istaago Ciwaanka maqaalkan iyo sida loo duway kalmaddaa anoo raacin doona hab tabinta talmoon ee cambaarayenta. Aynu ku horayno kalmaddan la wasakheeyay, 25 sano ee u danbeeyay tirsiga ibnu`aadmaka gayegeena waxa kuso korodhay xoriyatul qawlka amba( xaq haddlida ruuxa ) taaso samihi ay lahayed sun qadhaadh dhadhankeedi logu badalay. oo talow yaa jidh dilay cambaarayenta. ? Haka dayen meel fog danayeste kolsoonidu ka ambatay iyo mid ku oodaya runaan dahsoomayen baa miciin bida, badanaana qaylo ay ku ladhantahay aflagaadada caydu ugu buurantahay ayeey qiil moodan. Weedhaha anshax xumaddana Hal-door is tilmaamay iyo mid Siyaasi beeleda ayey kasoo maaxan. Haddaba yey haboontahay inay hub u noqoto. ? Yaa se lagu weeraraya. ? Weyddiimahan iyo ciwaanka sheekadda aan isku lammaaneeyo. Marka koowad gafka iyo khaladaadka dhaca ibnu`aadam ayaa loo yahay xalkana sido kale se waxa ayaan daro ah in maxsuul loo arko isu sixida laba gaf, xaasha hore ayeey Soomaalidu ugu maahmaahday khalad, khalad laguma saxo. adeegsiga canbaareyntuna hub weeye wixi qaloocan lagu saxo se maaha cawaj gurrac lagu toosinayo, ruuxa dubbaha u qaadanaya isu simid iyo toosin ayeey u baahantay inuu ku hawl-galo kuna weeraro cidii kala dheeraashaha iyo qalooca wada. Tusaale boobka iyo xatooyadda xukuumaddiinu ay ku hayso dadka haddii aad dalil cad u haysid amaan wax kamaba badali kartid sababto oo ah Af wax amaanay arrin taager ayey ka dhigantahay marka xalka lagu dawoowayo waa canbaaryenta talmoon. imikana bal aynu kusoo gunnaanadno toobiyaha haboon ee isbadalka keeni kara iyo wadiiqadda loo mari karo hagaagitaankeeda. Si qodobaysana bal an u dhigo siina faahfaahiyo si loo dhandhansado maacaanka cambaareyenta. 1: Ha kaydsan Dhalisha.! dhacdo hore in maankaga ku huursananto kana soo maaxdo kolkad cambaarayntan maanta taagan qorayso maha. Tusaale: nin wasiira oo sameeyay fal bulshada aan u cuntamin kadibna raali galin ka baxasha inaad ku xukunto maanta falkii uu waagas galay ma haboona. 2: Isbadal ku doon qoraalkaga. xabsiyeeynta muddada iyo nacabka an hadhin ee aynu isku qaadno waxa kalifaysa in dhaliisha ka hor geyno dhalil kale. Marka si aynu uga badbaadno dhibtaa waa in aynu dhalisha ka hor gayno isbadal san oo ay sameeyay soo jeediyaha iyo loo soo jeediyaha. 3: Ha samayen weerer shakhsiyadeed. ruuxa aad uso gudbinayso dhalisha haddii ay ka dhax muuqdan qoralkaga Qoyskisa,Qaraabadisa iyo jaallayaasha la shaqeeyaba waxay gudbinaysa fariin kale waa inaad qofka ku cambaarayesa dhacdo aad xaqiiqdeda hayso. 4: Ha qorin adoo xanaaqsan.! aflagaado iyo dhib aad ka biyo diidayso ayaa laga yaaba inaad ku dhacdid haddii aad qortid adoo xanaaqsan sababto nabarka xanaaqu diidmo mooyane xal ma curiyo. 5: I sax. gafku waa igu lammanyahay hilmaamkuna la mid haddii aan khaldamay i sax haddii aad faygarkaygan wax ku darysidna waan soo dhaweenaya haddad ka dhimaysidna sido kale.