Warbixin:Chelsea Oo Isha Lagu Wada Hayo, Guardiola & Wenger Oo Guulo Ku Qasban, Klopp & Kulanka Merseyside derby, Mourinho Oo Rajo Fiican Qaba Iyo Waxyaabo Xiiso Gaar Ah U Yeelaya Kulamada 17 Aad Ee PL

0
Saturday December 17, 2016 - 07:44:12 in by Burco Office
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Chelsea Oo Isha Lagu Wada Hayo, Guardiola & Wenger Oo Guulo Ku Qasban, Klopp & Kulanka Merseyside derby, Mourinho Oo Rajo Fiican Qaba Iyo Waxyaabo Xiiso Gaar Ah U Yeelaya Kulamada 17 Aad Ee PL

    Waxaa laysku diyaarinayaa kulamada 17 aad ee horyaalka Premier leaque-ga iyada oo la galay waqtiga kulamada xidhiidhka ah la ciyaaro ee bisha December. Tababarayaasha horyaalka Premier Leaque-ga ayaa dadaalo wayn u samaynaya in xiliga qaboobaha ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laysku diyaarinayaa kulamada 17 aad ee horyaalka Premier leaque-ga iyada oo la galay waqtiga kulamada xidhiidhka ah la ciyaaro ee bisha December. Tababarayaasha horyaalka Premier Leaque-ga ayaa dadaalo wayn u samaynaya in xiliga qaboobaha ee

 kulamada badan la ciyaarayo ayna musiibo ku noqon isla markaana ay kulamada ka helaan dhibcaha ugu badan ee ugu suurtogalsan.

Kulamda waqtigan la ciyaaro ayaa saamayn wayn ku yeesha kooxda horyaalka Premier leaque-ga ku guulaysanaysa, waxayna koox kastaaba isku dayaysaa in ay dadaalka ugu wayn samayso kulamada la ciyaarayo ilaa bilaga sanadka cusub oo si xidhiidh ah loo ciyaari doono.Shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa waxyaabaha xiisaha leh ee kulamada 17 aad ee PL laga filan karo.


CRYSTAL PALACE VS CHESLEA, MIYAY BLUES SOO GAADHI DOONTAA GUUSHEEDII 10 AAD OO XIDHIIDH AH?

Kooxda Chelsea ayaa fursada ugu fiican ilaa hadda haysata waxayna hogaanka Premier Leaque-ga ku haysaa 6 dhibcood oo saafi ah, balse waxaa si cad loo dareemay in Blues ay labadii kulan ee ugu danbeeyay si dhibaato ah guul ku gaadhay. Marka la eego qaabkii ay Crystal Palace ula ciyaartay Man United iyo qaabkii ay iska caabinta wayn ugala hortimid ayay Chelsea u baahan tahay in ay ka fiicnaato qaabkii ay ahayd kulamadii ugu danbeeyay.

chelsea

Kulankii West Brom ayuu Diego Costa guul cidhiidhi ah ku hogaamiyay Chelsea balse kulankii Sunderland ayay Chelsea u muuqatay mid uu nasiibku ka soo badbaadiyay Black Cats iyada oo goolhaye Courtios uu noqday geesigii Blues saddexda dhibcood u soo badbaadiyay dhamaadkii kulankaas waxaana goolkiisii Premier Leaque-ga ee xili ciyaareedkan ugu horeeyay Chelsea guusha ugu soo horseeday Cesc Fabregas.

chelsea

Laakiin marka la fiiriyo qaabkii ay Chelsea guulaha ku soo gaadhay kulamadii ugu danbeeyay ayay kulanka Crystal Palace u baahan karaan nasiibkii fiicnaa si ay markale u gaadhaan guushoodii 11 aad oo xidhiidh. Kooxaha Premier leaque-ga ugu tunka wayn ayaa ku ducaysanaya in Chelsea ay kufto si ay ugu soo dhawaan karaan, waxaana hubaal ah in ay iman karto maalin ay Chelsea guuldaro la kulmi karo waana dhaqanka kubbada cagta, balse Conte ayaa doonaya in kooxdiisu ay sii wadato dhaqanka fiican ee caadada guulaha ah.

hazard

Warka ugu fiican ee ay jamaahiirta Chelsea maqli karaan ayaa ah in Eden Hazard oo dhaawac ku seegay kulankii Sunderland uu taam u yahay kulanka Crystal Palace, wuxuuna Conte sheegay in uu go’aansan doono haddii uu Hazard shaxdiisa ku soo bilaabi doono iyo inkale waxaana sidoo kale la filayaa in Willian oo kulankii Sunderland isku muujiyay uu Pedro booska kala bixi karo haddii uu Hazard shaxda ku soo bilawdo. Ka hor kulanka 17 aad Chelsea ayaa 40 dhibcood ka soo heshay 16 kulan ee ay soo ciyaartay.

KOLOPP OO MARKII UGU HORAYSAY GOODINSON PARK KAGA HOR IMANAYA EVERTON IYO XAMAASADA KULANKA MERSEYSIDE DERBY:

klopp1

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markii ugu horaysay soo fadhiisan doona kursiga kaydka Goodinson Park marka ay kooxdiisa Liverpool la ciyaarayso kooxda ay isku magaalada yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Everton. Kulanka Merseyside derby ayaa ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan kubbada cagta England iyada oo kooxaha magaalada Liverpool ka wada dhisani ay leeyihiin taariikh colaad gaamurtay oo soo jireen ah.

1

Tababare Klopp ayaa hal kulan Everton kaga hor yimid Anfield iyada oo Liverpool ay xasuuq wayn u gaysatay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Everton balse Klopp ayaa soo arki doona xamaasada jamaahiirta Everton ee kulankaMerseyside derby, waxayna labada kooxoodba u ordayaan in ay kulankan ka helaan nadiijo fiican. Everton ayaa qabta kalsooni wayn kadib markii ay Manchester United iyo Arsenal ka heshay 4 dhibcood iyada oo Arsenal 2:1 ku garaacday kulankii ugu danbeeyay halka Man United ay barbaro la gaashay kulankii isla Goodinson Park ka dhacay.

liverpool

Sido kale tababaraha kooxda Everton eeRonald Koeman ayaa kulankiisii ugu horeeyay eeMerseyside derby kaga hor iman doona Liverpool, waxayna xamaasad kulul iskala hor iman doonaan Klopp oo doonaya in kooxdiisu ay sii ilaashato fursada ay xili ciyaareedkan ugu guulaysan karto koobka Premier Leaque-ga.

Ronald Koeman moved to tie up the futures of three of his players on Friday

Liverpool ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigtay kulankii Middlesbrough ay 3:0 ku soo xaaqday waxayna Reds doonaysaa in ay ka faa’iidaysto kulanka Man City iyo Arsenal si ay kaalinta labaad u sii xejisan karto. Liverpool ayaa u muuqata kooxd guul ku soo gaadhi karta Goodinson Park basle waa kulan ay adag tahay in natiijadiisa la saadaalin karo, waxayna Liverpool mari doontaa imtixaan aad udag iyada oo Lukaku uu jecel yahay in uu Liverpool goolal ka dhaliyo.

lukaku

Everton ayaa kulanka Merseyside Derby wax guul ah ka gaadhin tan iyo bishii October 2010 kii markaas oo 2:0 Liverool ku garaacday laakiin afar kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbayay ayay Liverpool iyo Everton barbaro galeen waxaana kulankii ugu danbeeyay ee April 2016 Anfield lagu ciyaaray 4:0 guul ku gaadhay kooxda Klopp ee Reds.

NATIIJOOYINKII LIXDII KULAN EE UGU DANBEEYAY MERSEYSIDE DERBY:

November 23, 2013: Everton 3-3 Liverpool

January 28, 2014: Liverpool 4-0 Everton

September 27, 2014: Liverpool 1-1 Everton

February 7, 2015: Everton 0-0 Liverpool

October 4, 2015: Everton 1-1 Liverpool

Apr 20, 2016: Liverpool 4-0 Everton

MANCHESTER CITY VS ARSENAL- GUARDIOLA IYO WENGER OO LABADUBA GUUL U BAAHAN:

Tababare kasta iyo koox kasta ayaa guul u baahan laakiin waxaa jira waqtiyo aad si gaar ah ugu baahan tahay in aad hesho saddexda dhibcood kuwaas oo kaa caawin kara in aad ilaashato ujeedada xili ciyaareedkaaga, waa sheekada dhex taal Guardiola iyo Arsene Wenger marka ay Etihad Stadium isakga hor yimadaan.

arsenal

Muhiimada ugu wayn ee kulanka Etihad Stadium ayaa ah in Manchester City iyo Arsenal ay labaduba u baahan yihiin sidii ay culayska ugu sii hayn lahaayeen Chelsea iyo waliba Liverpool oo aan dabyar shidayn, laakiin haddii ay Manchester City guuldaraysto isla markaana ay guulaystaan Chelsea, Liverpool iyo Arsenal, waxay Guardiola ku noqon doontaa dhabar jab wayn iyo in uu kooxdiisu ay musiibo kale sii dhex gasho.

Man City ayaa kulankii Watford iskaa maydhay guuldarooyinkii Chelsea iyo Leicester City ka soo gaadhay, sidaa daraadeed guuldaro kale oo koox wayn kaga soo gaadhay Etihad Stadium ayaa keeni karta shaki wayn oo la galin karo awooda Manchester City ay ugu guulaysan karto koobka Premier Leaque-ga.

Man City ayaa 16 kulan ka soo heshay 33 dhibcood waxayna 7 dhibcood ka hoosaysaa Chelsea laakiin haddii ay Cheslea ka soo guulaysato Crystal Palace isla markaana ay guuldaro kala kulantay Arsenal waxay ka danbayn kartaa 10 dhibcood halka taas badalkeeda ay Man City 4 dhibcood ku soo yarayn karto farqiga dhibcaha Chelsea u dhexeeya haddii ay Arsenal ka guulaystaan isla markaana ay Blues guuldaro kala soo kulanto Palace.

Dhinaca kale Arsenal ayaa u muuqday koox awood wayn u leh in ay Chelsea si xoogan cadaadiska ugu sii hayn karto balse waji gabixii Goodinson Park ka soo gaadhay ee ay Everton 2:1 ugu soo garaacday ayaa keenay in markale shaki la galiyo in Arsenal ay ka duwan tahay kooxihii Arsene Wenger ee 13ka sano ka qatanaa koobka Premier leaque-ga. Haddii ay Arsenal guul ka soo gaadho Man City isla markaana ay Chelsea guuldaro kala kulantay Crystal Palace ayay 3 dhibcood u soo jirsan kartaa halka taas cafsigeeda ay 9 dhibcood ka hoosayn karto Chelsea.

arsenal

WEST BROM VS MAN UNITED- MOURINHO OO AY KA GO’ANTAHAY IN UU DIB U SAXO QALADAADKII KOOXDIISA:

Tababare Mourinho ayaa qiray in qaybtii hore ee xili ciyaareedkan ayna kooxdiisu si fiican u shaqayn balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in Manchester United ay wali ku guulaysan karto koobka Premier Leaque-ga isla markaana ay dhinaca kale u dhigi karaan xaaladii xumayd ee soo martay. Marka laga yimaado kulamadii ugu horeeyay ayay Red Devils awooday in ay soo guulaysato laba kulan oo xidhiidh ah oo PL ah kadib markii ay Tottenham iyo Crystal Palace ka soo heshay 6 dhibcood oo hamigeeda sare u soo qaaday.man-united

Markasta oo ay jamaahiirta Man United fiirayaan miiska kala saraynta horyaalka Premier Leaque-ga, ayay arkayaan kooxooda oo wali 13 dhibcood ka danbaysa kooxdii hore uu Mourinho xili ciyaareedkii hore ugu soo dhibtootay ee Chelsea waxaana taas kaga dhib badan in ay arkayaan Tottenham oo wali 3 dhibcood ka saraysa. Laakiin Mourinho ayaa niyadsami ka muujiyay in qaybta danbe ee xili ciyaareedka oo kala badhkiisii lagu dhaw yahay ay wax badani isbadali karaan isla markaan ay ku jiraan tartanka koobka PL.

man-united1

Laakiin Manchester United ayaa booqanaysa kooxda West Brom oo xaalad adag ku soo abuurtay Chelsea isla markaana kulankii ugu danbeeyay 3:1 ku dubatay Swansea City. West Brom ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican waxayna dhibaato ku abuuri karaan kooxda madaxa la soo kacaysa Red Devils.

Haddii ay Man United guul soo gadhi waydo ayay markale muujin kartaa shakiga wayn ee laga qabo in ay xili ciyaareedka ku dhamaysan karto si la mid ah xili ciyaareedyadii hore. Balse marka la eego qaabka fiican ee ay Man United u diyaarsan tahay ayaa laga filan karaa in ay saddexda dhibcood ka soo heli karaan West Brom.

mourinho

Waxyaabaha kale ee isha lagu hayn doono ayay ka mid tahay jawaabta ay kooxda koobka PL difaacanaysa ee Leicester City ay ka bixin doonto guuldaradii Bournemouth ka soo gaadhay iyada oo awoodi wayday in ay guushii Mancheser City ka dhigato kalsooni ay ku soo kabsato. Waxyaabaha layaabka leh ayay ka mid tahay in kooxda koobka horyaalka haysata ee Foxes ay 16 kulan ka heshay 16 dhibcood!. Halkan kaga bogo miiska Kala Saraynta PL ee ka hor kulamada 17 aad.

12

Haddaba akhriste marka aad fiiriso qaab ciyaareedka kooaha waa wayn iyo kulamada la ciyaari doono todobaadkan maxaa laga filan karaa? Chelsea ma sii wadan doontaa guulihii xidhiidhka ahaa mise Crystal Palace ayaa noqon karta kooxda joojisa? Klopp kulankiisii ugu horeeyay Goodinson Park guul makala soo laaban karaa? Maxaa laa filan karaa kulanka Man City iyo Arsenal? Ma filaysaa in Mourinho iyo kooxdiisu ay guushii saddexaad oo xidhiidh ah ay ka soo gadhi karaan West Brom?. Jawaabaha su’aalahn waxaad nagula wadaaagi kartaa baraha bulshada ee Facebook iyo Twitterka ama qaybta hoose ee commentska sidoo kale la share-garee asxaabtaadakale.