Shaki La'aan Sergio Ramos Ayaa Ah Xidiga Aduunka Ugu Fiican.

0
Saturday December 17, 2016 - 07:54:32 in by Burco Office
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaki La'aan Sergio Ramos Ayaa Ah Xidiga Aduunka Ugu Fiican.

    Dadwaynaha kubbada cagta aduunka ayaa ku qaybsan qofka uu yahay xidiga aduunka ugu fiicani, waxaana abaal marinta Ballon d'Orka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadwaynaha kubbada cagta aduunka ayaa ku qaybsan qofka uu yahay xidiga aduunka ugu fiicani, waxaana abaal marinta Ballon d'Orka

 ee la siiyo xidiga aduunka ugu fiican dhawaan ku guulaystay xidiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo balse miyuu Sergio Ramos yahay xidiga ugu fiican aduunka?.

Difaaca xulka qaranka France iyo kooxda Sevilla eeAdil Rami ayaa aaminsan in shaki la’aan Sergio Ramos yahay xidiga aduunka ugu fiican isla markaana waxa uu kooxdiisa ku soo kordhiyo qaabka quruxda badan ee uu u ciyaaraa ay tahay mid isaga ahaan ku qancisay in uu yahay kan aduunka ugu fiican.

 

 
Sergio Ramos ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay ku guulaysto koobkii Champions Leaque-ga ee 2014 kii kadib markii uu waqtigii dhimasada ee dhamaadkii kulankii Lisbon uu kooxdiisa u dhaliyay goolkii ay ciyaarta ugu soo laabtay ee sababta u ahaa in waqti dheeri ah ciyaarta lagu daray sidoo kale Ramos ayaa waqtigii caadiga ahaa shabaqa ka soo taabtay finalkii Champions Leaque-ga ee sanadkan 2016 ka wuxuuna sidoo kale dhaliyay mid ka mid ah rekoodhayaashii ay kooxdiisa Champions Leaque-ga ku qaaday.

 

Difaaca ree France iyo kooxda Sevilla ee Adil Rami oo la hadlayay Eurosport ayaa la waydiiyay in uu soo xusho xidiga aduunka ugu fiican wuxuuna yidhi:” Shaki lahaan Sergio Ramos. Aniga ahaan waxa uu Ramos ii yahay kan aduunka ugu fiican.Waa wax qurux badan in la daawado isaga oo ciyaaraya. Wuu deg deg badan yahay oo wax badan ku soo kodhiyaa weerarka”.

Sergio Ramos iyoAdil Rami ayaa horyaalka La Ligaha iskaga hor iman doona January 15,2017 iyada oo kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ay kulan adag iskaga hor iman doonaan. Sevilla ayaa xili ciyaareedkan ku jirta xaalad aad u fiican.Sergio Ramos ayaa Real Madrid labadii kulan ee ugu danbeeyay La Ligaha goolal muhiim ah udhaliyay waqtiga dhamaadka ciyaarta.