Cristiano Ronaldo Wuu U Qalmayaa Abaal Marinaha Uu Ku Guulaystay Balse Waa In Markasta Ballon d'Or-ka Uu Ku Guulaysto Messi Oo Ciyaartoyda Kale Mid Abaal Marin Kale Loo Sameeyo
guulaystay xidiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal eeCristiano Ronaldo kadib markii uu kooxdiisa ka soo caawiyay koobka Champions Leaque-ga isla markaana uu Portugal la soo qaaday koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.
Dadwaynaha kubbada cagta aduunka ayaa si wayn ugu qaybsan xidiga u qalmay abaal marintan balse codkii ay bixiyeen dadkii ay France Football soo dooratay ayaa u codeeyay in Cristiano Ronaldo uu abaal marintan u qalmay isaga oo waliba helay cod aad u badan. Laakiin tababaraha kooxda Sevilla eeJorge Sampaoli ayaa isagu aaminsan in abaal marinta Ballon d’Or ay tahay mid uu iska leeyahay Lionel Messi isla markaana ciyaartoyda kale oo dhan loo sameeyo kubbad kale oo dahab oo ay ku tartamaan.
Tababaraha xamaasada badan eeJorge Sampaoli oo xili ciyaareedkan wax qabad fiican ka samaynaya kooxda Sevilla ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu u qalmo abaal marinaha uu ku guulaystay balse ay markasta tahay in Messi uu ku guulaysto Ballon d’orka maadaamo oo uu farqi wayni u dhexeeyo isaga iyo xidigaha kale waa sida uu hadalka u dhigaye.
TababareJorge Sampaoli ayaa yidhi:"Cristiano waxa uu qalmaa abaal marin kasta oo isaga lagu abaal mariyay, laakiin waxay u muuqataa in uu jiro farqi wayn oo u dhexeeya isaga iyo Messi. Ciyaartoyda kale waxay u baahan yihiin in ay kubbad kale ku tartamaan, sababtoo ah kubbada dahabka ah waxaa markasta iska leh Messi”.
Cristiano Ronaldo Wuu U Qalmayaa Abaal Marinaha Uu Ku Guulaystay Balse Waa In Markasta Ballon d'Or-ka Uu Ku Guulaysto Messi Oo Ciyaartoyda Kale Mid Abaal Marin Kale Loo Sameeyo
Dhawaan ayay ahayd markii ay France Football bixisay abaal marintaBallon d'Or 2016 ee xidiga aduunka ugu fiican waxaana abaal marintan ku