HORDHAC: Crystal Palace v Chelsea- Blues Oo Raadinaysa In Ay Jabiso Rekoodhkii Kooxdeeda Ee 11ka Guulood Ee Xidhiidhka Ah Iyo Kooxda Cobnte Oo 9 Dhibcood Ku Qaban Karta Hogaanka PL

0
Saturday December 17, 2016 - 08:03:42 in by Burco Office
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Crystal Palace v Chelsea- Blues Oo Raadinaysa In Ay Jabiso Rekoodhkii Kooxdeeda Ee 11ka Guulood Ee Xidhiidhka Ah Iyo Kooxda Cobnte Oo 9 Dhibcood Ku Qaban Karta Hogaanka PL

    Kooxda horyaalka Premier Leaque-ga hogaaminaysa ee Chelsea ayaa booqanaysa kooxda Crystal Palace kulanka 17 aad ee xili ciyaareedkan waxayna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda horyaalka Premier Leaque-ga hogaaminaysa ee Chelsea ayaa booqanaysa kooxda Crystal Palace kulanka 17 aad ee xili ciyaareedkan waxayna

Blues kulankan ciyaaraysaa iyada diirada ku haysa in ay soo guulaysato kulankeedii 11 aad oo xidhiidh ah si ay barbarayso rekoodhkii abid ugu fiicnaa ee ay horyaalka ka gaadhay. Sidoo kale guul ay Chelsea ku soo gaaadhoSelhurst Park ayaa la micno ah in ay sagaal dhibcood oo saafi ah hogaanka Premier leaque-ga ku sii qaban doonto ka hor inta ayna kooxaha ku soo xigaa barri ciyaarin.

Haddii Chelsea ay Crystal Palace ku soo garaacdo garoonkeedaSelhurst Park waxayna noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee guulaha ugu badan garoonkan dhibta badna ku soo gaadhay waxayna haddaba ku soo guulaystay shan kulan . Dhinaca kale Chelsea ayaa hal kulan oo kaliya soo guuldaraysatay sidii kulan ee ugu danbeeyay ee kulamada London Derby waxayna ahayd guuldaradii 3:0 ahayd ee horaantii xili ciyaareedkan ka soo gaadhay Arsenal.


XOGTA KULANKA:

TARTANKA: Premier Leaque kulankiisa 17 aad.

KULANKA:Crystal Palace v Chelsea

GAROONKA:Selhurst Park

WAQTIGA: 3:30 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

GARSOORAHA:Jonathan Moss

Kooxaha Chelsea iyo Crystal Palace ayaa horyaalka Premier Leaque-ga iskaga hor yimid 38 kulan waxaana 18 ka mid ah guulo soo gaadhay chelsea halka Crystal Palace ay 6 soo garaacday Blues waxaana barbaro ku dhamaaday 14 kulan. Xili ciyaareedkii hore Crystal Palace ayaa ka mid ahayd kooxihii ka faa’iidaystay dhibaatadii Blues ay ku jirtay waxayna 1:0 ku garaacday kooxdii Mourinho ee dhibtoonaysay kulankii la ciyaarayAugust 2015, laakiin sideedii kulan London Derby ee ka danbeeyay ay soo ciyaartay ayay ka heshay 2 dhibcood oo kaliya.

Laakiin Chelsea ayaa 3:0 guul ku soo gaadhay kulankiiSelhurst Park ee la ciyaaray bishii January ee isla sanadkii 2015 laakiin Chelsea ayaa dhibaato kala kulmi kartaChristian Benteke oo afar kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee uu Chelsea ka horyimid goolal ka dhaliyay.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Crystal Palace ayuu dhaawac kaga maqnaan doonaaMathieu Flamini oo uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii arbacadii ee Manchester United ay guuldarada kala kulmeen laakiin waxaa ganaax hal kulan ah ka soo laabtayJason Puncheon. Waxaa wali Crystal Palace dhaawacyo waqti dheer ah kaga sii maqnaan doonaJames Tomkins, Connor Wickham, Bakary Sako, Loic Remy, Pape Souare iyo Steve Mandanda.

Mathieu Flamini (right) suffered a groin injury in Crystal Palace's defeat by Manchester United

LIISKA CRYSTAL PALACE EE KULANKA CHELSEA:Hennessey, Speroni, Ward, Dann, Delaney, Kelly, Fryers, Lee, Ledley, Phillips, Winter, Husin, McArthur, Townsend, Zaha, Cabaye, Mutch, Puncheon, Benteke, Campbell.

Dhinaca Chelsea waxaa dhaawac uu kulankii Sunderland ku seegay ka soo laabtay Eden Hazard oo markale diyaar u ah in uu ku soo bilawdo shaxda kooxdiisa balse Conte ayaa go’aanmin doona in Hazard uu kaydka dhigto qaybta hore ee kulankan iyo in uu shaxdiisa hore kaga soo bilaabi karo. LaakiinJohn Terry ayaan wali si buuxda tababarka kooxdiisa ugu soo laaban wuxuuna markale seegi doonaa kulankan.

Having overcome a knee injury, Eden Hazard trains on the eve of Chelsea's clash at Palace

LIISKA CHELSEA EE KULANKA C.PALACE:Courtois, Begovic, Alonso, Fabregas, Zouma, Kante, Oscar, Hazard, Pedro, Loftus-Cheek, Moses, Costa, Matic, Willian, Batshuayi, Cahill, Azpilicueta, Chalobah, Luiz, Eduardo, Aina, Solanke.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

line

KAYDKA MACQUULKA AH EE CRYSTAL PALACE:Speroni, Fryers, Phillips, Wynter, Townsend, Lee, Husin, Mutch, Campbell, Wan-Bissaka

KAYDKA MACQUULKA AH EE CHESLEA:Begovic, Eduardo, Ivanovic, Zouma, Aina, Fàbregas, Mikel, Van Ginkel, Loftus-Cheek, Pedro, Chalobah, Batshuayi