XULKA FRANCE OO AFKA CIIDA U DARTAY XULKA SWITZERLAND, DIGNIIN U DIRTAY KOOXAHA USHARAXAN KOOBKA ADUNKA

0
Saturday June 21, 2014 - 13:57:25 in by Super Admin
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XULKA FRANCE OO AFKA CIIDA U DARTAY XULKA SWITZERLAND, DIGNIIN U DIRTAY KOOXAHA USHARAXAN KOOBKA ADUNKA

    France ayaa 5 - 2 kaga talaabsatay Siwtzerland, 15kii daqiiqo ee ugu horeesay ciyaarta ayaa aheyd mid dagan, France waxaa goolasha u daahfuray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

France ayaa 5 - 2 kaga talaabsatay Siwtzerland, 15kii daqiiqo ee ugu horeesay ciyaarta ayaa aheyd mid dagan, France waxaa goolasha u daahfuray

weeraryahanka Arsenal Giroud oo daqiiqadii 17aad mdax kuleexiyey koorno lasoo qaaday.

Hal daqiiqo kadib goolkaas waxaa hogaanka udheereeyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSG Matuidi oo kubad uu kahelay Benzema si wacan shabaqa geeska hoose kaga toogtay, Benzema oo ciyaarta qeyb weyn kaqaatay ayaa beerdareeyay rigoore loodhigay daqiiqadii 32aad, kuceliskiina waxey birta kaga dhacday Cabaye.

France oo lacelin la’yahay ayaa hogaanka seddexeesatay, Valbuena ayaa goolka seddexaad udhaliyey daqiiqadii 40, qeybtii hore ayaa kusoo idlaatay seddex iyo waxba.

Qeybtii labaad ee ciyaarta France ayaa meesheedii kasii wadatay goolasha, Benzema ayaa si wacan udhameestiray kubad uu kahelay Pogba daqiiqadii 67aad, waxaana goolka shanaad udhaliyey France Moussa Sissoko daqiiqadii 73aad.

Switzerland ayaa heshay labada gool ee sharafta, Blerim Dzemali ayaa hal gool usoo celiyey daqiiqadii 81aad kadib laad xor ah ooloodhigay ayuu kahoos bixiyey lugaha ciyaartoyda France, Granit Xhaka ayaa dhameestir cajiib ah sameeyay kubad kubad lagasoo dulqaaday daafacyada France isagoo goolka labaad udhaliyey Switzerland daqiiqadii 87aad.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 5-2 oo ay France kuduleesatay Switzerland, France ayaa lahaaneeso lix dhibcood, halka Switzerland ayaa ku istaagtay seddex dhibcood, min hal kulan ayaa uhartay labada kooxood.






Afkashacabka.com /Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com