Deeegaano Ka Tirsan Gobolka Sool Oo La Sheegay Inuu Raxmaadka Eebe Ka Hoorey Iyo Magacyada Deegaanadaasi
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay ilaa shalay galinkii danbe uu raxmaadka eebe ka
da’ay deegaano ka tirsan gobolka Soo loo ay ka jirtay abaar baahsani. Waxaanan deegaanada helay sida naloo sheegay roob fiican oo biyo dhigay isla markaana ay ku qabowsadeen bulshadii ku dhaqnaa deegaanadaasi.
Deegaanada la sheegay inuu ka da’ay raxmaadka eebe ee ka tirsan gobolka Sool ayaa waxa kamid ah Deegaanada Xidh Xidh ,Dhumay Iyo Widh Widh kuwaas oo ahaa deegaanada ay ka jirtay abaartu,bulshada ku dhaqan ayaa aad ula riyaaqay kuna farxay raxmaadkan eebee ee u hoorey. Dhanka kalena Degmooyinka
Laascaanood,Tukaraq,Adhicadeeye Iyo Yagoori ayaa naloo sheegay inuu raxmaadka eebe ka tiixay balse ay dul taagan tahay daruurtu sansaankuna u eeg yahay mid roobaad.
Deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa hadda ah deegaanada ay ka jirto abaarta baahsan ee halakaysay dad iyo duunyaba waxaana ay bulshada deegaanadaa ku dhaqani u hanqal taagayaan inuu raxmaadka eebe si fiican u maasheeyo isla markaana ay ka jabto abaartan sababtay dhimashada dad iyo duunyaba.