Qanigii Aan Ogeyn Ganiimadiisa!!!!.. W/Q Cabdikhadar Xiis

0
Wednesday December 21, 2016 - 22:20:28 in by Burco Office
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qanigii Aan Ogeyn Ganiimadiisa!!!!.. W/Q Cabdikhadar Xiis

    Qaninimadu maaha ruuxa xoolaha fara badan leh Iyadoo dalkiisu bila qanimaada/Kheyraadka yahay, laakinse Qaninimadu Waa ruuxa ka dhasha amase leh Dhul (Dhul) Iyo Duunyo Uu Ku abtirsada Oo Eebe (SW) ku maneystey qaniimoyin kala duwan sida,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaninimadu maaha ruuxa xoolaha fara badan leh Iyadoo dalkiisu bila qanimaada/Kheyraadka yahay, laakinse Qaninimadu Waa ruuxa ka dhasha amase leh Dhul (Dhul) Iyo Duunyo Uu Ku abtirsada Oo Eebe (SW) ku maneystey qaniimoyin kala duwan sida,

Bad hodan ah, dhul caro sami ah, xoolo nool, duurjoog iyo dab joogba,macdan IWM.

Hadaba akhriste Anigeygan (AbdiKhadar Hies Abdi) Ee qormadan kula wadaagaya waxaan ahay Qanigii dunida aan laga Qaniyasaneyn laakiinse garan waayey qaniinimadiisa Dabadeed Noqdey Qanigii Dunida Ugu Fiqiirsana, Waxaana Cadeymo Kuugu Filaan doona Qoraaladan Hoos Ku Qoran.

Eebe (SW) wuxuu igu manaystay badiiba nimcooyinkiisa hadiiba aaney ahay dhamaantood, nimcooyinkas Iyo Kheyraadka Tira beelka Ah Ee Eebe Igu Maneystey Aniga Iyo Dadkeygaba waxaa ka mid ah,

1. Muslinimada, Muslinimada oo ah Waxa Kaliyaata Ee Dunidan Korkeeda Ugu Qiimaha Badan Iyadoo ka kaxayneysa Daar Aduun Kuna Geyneysa Daar aakhiro, Oo Ah Halka Ugu Danbeysa Ee Aadamuhuu u Ordaayo.

2. Soomaalinimo: Eebe Wuxuu Iga Dhashey Dad laga Dhasho Kuwooda ugu Qiimaha Badan, Kuwaas oo ah Soomaali Iyagoo Lagu Xanto Iney Yihiin Dadka Qaradan Diihin Ee Africa Ugu Qanisan, Midab ahaan, Dhaqan Ahaan iyo Dal ahaanba.

3. Dal : Eebe Wuxuu Iga Dhashey Dal hadii dadyowga dunida la odhan lahaa doorta meel aanu idinku beerno ay dooran laha ayen, Sababo badan awadood, Sida
A) Baaxda Dhulka.Baaxada Dhulkeyga Iyo Tirada Muwaadiniinta Oo Aad Uu Kala Badan, Dhulkeyga Baaxadiisu Waxay Dhan Tahay (137,600 km²) Boqol Iyo Sodan Kun Iyo Lix Boqol Oo km², Ugu Yaraan,Hadii Baaxada Dhul u Qeybiyo Tirada Guud Ee Muwaadiniinta Ku Dhaqan Oo Lagu Qiyaaso (3 Million) Sadex Miilyaan Oo Muwaadin, Qofkastoo Muwaadin Ah Waxaa Kusoo Hagaagi Lahaa Dhul Dhan, (21,802 km²) Labaatan Iyo Kow Kun Iyo Sideed Boqol Iyo Laba km² Hadi Anaan Isu Qeybtinta Xisaabta Khaldiin,
B). Cimilada: Cimilada Dalkeeygu Maaha Mid Qabow Iyo Mid kullul Toona iska da Baraf da’a iyo Hanfii Kuluul oo ku leefe, C). Ciidda/Caradda: Dhulkeygu Wuxuu Ka Mid Yahay Dhulyowga Ugu Caradda Wanagsan Dunidan Isla Markaana La Ogaadey Lana Xaqiijiyeey In Uu ku Wanaagsan Yahay Beerashada Iyo Ku Dhaqista Xoolaha nool.
D). Barradda (Location) : Dalkeyguu Wuxuu Ku Yaala Bogcada Ka Mid Ah Bogcadaaha Ugu Qaalisan Uuguna (Strategic-san) Dunidan Aynu Ku Dhaqanahay, Siyaasad ahaan, Dhaqaale Ahaan, Ammni ahaan iyo Isku Gooshka Badeecadda iyo Bulshooyinka Dunida,

Akhriste Dalkaas Aan Idiinka Sheekeynaya Dal Meel Fog Inaga Jira Maahe Waa Jamuuriyadda Barakaysan Ee Somaliland.

Lasooco Qeybta 2aad.

 

Mahadsanidiin.