Wiil Watay Mooto Bajaaj Oo Goor Dhow lagu Toogtay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

0
Wednesday December 21, 2016 - 23:02:44 in by Burco Office
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Watay Mooto Bajaaj Oo Goor Dhow lagu Toogtay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

    Muqdisho(AFKA)Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa goor dhow nawaaxiga isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah watay Mooto Bajaaj.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa goor dhow nawaaxiga isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah watay Mooto Bajaaj.
Dilka loo geystay wiilkan waday Mooto bajaajka ayaa waxaa loo soo sababeeyey lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Mootooyinka Bajaajka.

Goob joogayaal ayaan sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowlada uu si bareer ah rasaas ugu furay wiilkan watay mooto Bajaajta ka dib muran ka dhashay lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado bajaajleyda.

Dadweyne goobta ku dhowaa ayaa isku dayey iney Isbitaalka ula cararaan balse isla goobtii ayuu ku geeriyooday wiilkan watay mooto Bajaajka.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaan ka hadlin weli dhacdadan, mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamada dowladu ay dil kula kacaan dhalinyarada ku xamaasha mootooyinka Bajaajka oo mudooyinkan si weyn ugu soo badanayey magaalooyinka Soomaalida.