Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Bisha January Ee Dhawaan Furmi Doona

0
Friday December 23, 2016 - 04:07:14 in by Burco Office
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Bisha January Ee Dhawaan Furmi Doona

    Maalmo kooban ayaa ka hadhsan waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono suuqa kala iibsiga ee waqtiga qaboobaha waxayna kooxuhu isku diyaarinayaan suurtogalnimada ay ciyaartoy cusub ugu soo xoojin lahaayeen safafka kooxahooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo kooban ayaa ka hadhsan waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono suuqa kala iibsiga ee waqtiga qaboobaha waxayna kooxuhu isku diyaarinayaan suurtogalnimada ay ciyaartoy cusub ugu soo xoojin lahaayeen safafka kooxahooda

si ay helaan kooxo ay ugu tartami karaan koobabka horyaalada Yurub.

Inkasta oo suuqa bisha January aanu la mid ahayn suuqa xagaaga ee ciyaartoyda tirada badan lala wareego haddana kooxaha Premier Leaque-ga ayaa sanadkii 2011 kii rekoodh ku dhigay suuqa January kadib markii ay ciyaartoy kula soo wareegeen£225 milyan gini halka January 2016 ay kooxaha horyaalka Ingiriisku suuqa ku kharash gareeyeen£175 milyan gini.

 

 

 

GOORMA AYUU FURMI DOONAA SUUQA KALA IIBSIGA BISHA JANUARY?

Sida caadada ah suuqa Bisha January ayaa furmi doona January 1,2016 wuxuuna xidhimi doonaa January 31,2017 marka ay saacadu tahay 11pm GMT. Ciyaartoyda haddaba heshiisyadooda lagu dhawaaqay ee ay ka midka yihiin Gabreil Jesus oo Manchester City ay suuqii xagaaga la soo saxiixatay iyo Joey Barton oo ay dhawaan Burnley ku dhawaaqday heshiiskiisa ayaa January 1,2017 la diwaan galin karaa si ay kooxahooda ugu ciyaari karaan.

Gabriel Jesus

Si uu ciyaartoy koox ugu ciyaaro kulan horyaalka ah waxaa koox kasta waajib ku ah in ay ciyaartoyga cusub diwaan galiyaan badhtamaha maalinta ka horaysa kulanka la doonayo in uu ciyaaro. Tusaale ahaan kulamada la ciyaari doono January 2,3 iyo 4 waxay kooxuhu diwaan gashan karaan maalinta sanadka cusub iyada oo ciyaartoy kasta laga doonayo in Premier Leaque-ga laga diwaan galiyo kala badhka maalinta ka horaysa kulanka uu ciyaari karo.

Dhinaca kale kulamada la ciyaari doono Jaunary 31 iyo Fabruary 1 2017 ayay kooxuhu haysan doonaan in ay ciyaartoyda cusub ku diwaan gashadaan January 30 si ay kulamadan u ciyaari karaan. Kooxaha ayaa heshiisyo cusub dhamaystiri kara waqtiga uu suuqu xidhimi doono eeJanuary 31 is 11pm GMT laakiin shuruuda ku xidhan ayaa ah in 11PM ka hor ay warqada heshiiska u gudbiyaan maamulka horyaalka.