WARBIXIN: Waji Gabixii Mourinho Ee Stamford Brdige, Finalkii Europa Leaque-ga Ee Klopp Uu Seegay Iyo Waqtiyadii Ugu Xumaa Ee Shanta Kooxood Ee Waa Wayn Soo Maray Sanadkan 2016.

0
Friday December 23, 2016 - 04:09:06 in by Burco Office
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Waji Gabixii Mourinho Ee Stamford Brdige, Finalkii Europa Leaque-ga Ee Klopp Uu Seegay Iyo Waqtiyadii Ugu Xumaa Ee Shanta Kooxood Ee Waa Wayn Soo Maray Sanadkan 2016.

    Waqti kasta oo ku soo maraaba waxa uu leeyahay waayihiisa wanaaga iyo xumaanta leh, waxaana jiray waqtiyo ayna jamaahiirta kooxaha waa wayn ee Premier leaque-gu ay ku xusuusan doonaan sanadkan dhamaadka ah ee 2016. Wax badan ayaa kubbada cagta ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqti kasta oo ku soo maraaba waxa uu leeyahay waayihiisa wanaaga iyo xumaanta leh, waxaana jiray waqtiyo ayna jamaahiirta kooxaha waa wayn ee Premier leaque-gu ay ku xusuusan doonaan sanadkan dhamaadka ah ee 2016. Wax badan ayaa kubbada cagta ka soo dhacay sanadkan 2016, balse waxaanu qormadan si gaar ah ugu eegaynaa waqtiyadii ugu xumaa ee soo maray kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga.

Inkasta oo ay badan yihiin waqtiyo xun oo soo maray dhamaan kooxaha Premier Leaque-ga iyo kooxaha horyaalada kale haddana waxaa jira waqtiyo ka tilmaaman xili yadii kale ee sanadkan oo saamayn wayn ku yeeshay kooxahan iyo jamaahiirtooda. Haddaba halkan kaga bogo waqtiyadii ugu xumaa ee soo maray shanta kooxood ee Premier Leaque-ga ugu waa wayn sanadkan 2016.

 

Arsenal:March 2, 2016- Guuldaradii Swansea Rajadii Gunners Sii Dishay:

 

Ashley Williams celebrates scoring Swansea's winner against Arsenal, a result which increased pressure on Arsene Wenger

Inkasta oo ay Arsenal laba dhibcood ka heshay sagaal dhibcood oo ay ka heli kartay Liverpool, Stoke iyo Chelsea ayay haddana guushii ay waqtiii dhimasada ka gaadhay Leicester City soo noolaysay rajadii koobka ee Arsenal, laakiin wax kasta oo ay Gunners samasyay ayaa noqoday hal bacaad lagu lisay. Guuldaradii Swansea City ayaa lagu tilmaami karaa waqtigii sanadkan ugu xumaa Arsenal.

Chelsea:May 15,2016- Kaalinta 10 Aad Ee Premier Leaque-ga Ayay Ku Dhamaysteen Waxayna Seegeen Tartamada Yurub:

Xili ciyaareedkii h--e oo dhan ayaa Chelsea inta badan u ahaa murugo iyo musiibo ay dhex mushaaxaysay waxayna arintaasi keentay in Jose Mourinho oo si wayn looga ixtiraamo Stamford Bridge shaqada laga caydhiyo, laakiin waqtigii ugu xumaa ee Chelsea soo maray sanadkan 2016 ayaa ah May 15,2016 markii ay si rasmi ah u xaqiijisteen in ay kaalinta 10 aad ee PL ku dhamaysteen isla markaana ay seegeen tartamada Yurub oo dhan. Cheslea ayaa kaliya 3 dhibcood ka heshay 12 kii dhibcood ee Pl ugu danbeeyay ee ay heli kartay iyada oo xataa awoodi waayeen in ay garaacaan Sunderland oo guuldaro xun baday.

Chelsea took just three points from their final 12 available and lost at Sunderland as they finished a lowly 10th in the Premier League in 2015/16

Liverpool : May 18,2016- Guuldaradii Sevilla Ee Switzerland Ku Soo Qabsatay Reds Ee Finalkii Europa Leaque-ga:

Liverpool ayaa sanadkan 2016 seegtay laba koob oo ay finalkooda timid iyada oo bishiiFebruary guuldaro rekoodhayaal ah ku waday leaque Cupka oo ay Manchester City isla ciyaareen 120 daqiiqo, laakiin waqtigii ugu xumaa ee Klopp iyo kooxdiisa soo maray sanadkan ayaa ah finalkii koobka Eurpa Leaque-ga ee ay Sevilla ka qaaday Liverpool.

Sevilla won their third consecutive Europa League title at Liverpool's expense in Basel

Inkasta oo ay Liverpool qaybtii h--e hogaanka ku haysay 1:0 kadib markii uu Daniel Sturridge gool layaableh udhaliyay ayay Sevilla oo saddexdii sano ee ugu danbeeyay koobkan iska soo yeelatay la soo baxday khibradeeda Europa Leaque-ga waxayna ka yaabsatay Klopp iyo ciidamadiisa Reds oo murugadii ugu xumayd ee 2016 kula kulmay Switzeraland.

 

Manchester City:March 20,2016- Man United Oo Dishay Rajadii Sky Blues Ee Koobka PL:

Manchester City ayaa guuldarooyin isxigay kala soo kulantay kooxaha Leicester City, Tottenham iyo Liverpool laakiin waxaa si rasmi ah rajadii Manchester City ee koobka Premier Leaque March 20 u dishay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester United iyada oo goolkiiMarcus Rashford uu soo gabagabeeyay fursad kasta oo ay Sky Blues ku heli kartay koobka PL. Waana waqtigii ugu xumaa ee City soo maray sanadkan 2016.

Marcus Rashford's winner for Manchester United effectively ended City's hopes of winning the Premier League

Laakiin Manchester City ayaa awooday in ay markeeda Manchester United ciil wayn bado kadib markii ay kaalinta afraad ee miiska kala saraynta Premier leaque-ga ka xidhatay iyada oo markii h--e loo haystay in Guardiola uu sanadkiisa ugu horeeya aanu heli doonin Champions Leaque-ga balse Mourinho ayaa noqday midka seegay Champions Leaque-ga sanadkiisa ugu horeeyay Old Traffrod.

Manchester United:October 23,2016 – Soo Laabashadii Mourinho iyo Madawgii Stamford Bridge:

Sanadkan 2016 ayay Manchester United soo martay waqtiyo badan oo murugo leh laakiin wax kastaaba waxaa la ilaaway markii Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils ay October 23 booqdeen Stamfrod Bridge isla markaana ay xasuuq 4:0 ay kala soo kulmeen kooxda Antonio Conte ee Chelsea.

Chelsea players celebrate after going 4-0 up against Manchester United at Stamford Bridge

Aduunka oo dhan ayaa laga sugayay kulanka uu Mourinho dib ugu laabanayay kooxdiisii h--e laakiin waxa uu ku dhamaaday in Mourinho uu Conte dhegta u saaray hadal wax badan wax laga qoray oo ahaa in uu bahdilaad ku sameeyay markii uu jamaahiirtiisa kiciyay dhamaadkii kulankaas. Kulankan ay Chelsea 4:0 ku gumaaday Manchester United ayaa waji gabax wayn ku noqday Mourinho iyo Man United waxaana lagu tilmaamay in uu yahay waqtigii Red Devils ugu xumaa sanadkan 2016.