Waa Kuma Ciyaariyahanka Iyo Macalinka Ilaa Iyo Haatan Ugu Fiican Horyaalka Ingiriiska? Khabiirada Sky Sports Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday

0
Friday December 23, 2016 - 04:15:07 in by Burco Office
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Ciyaariyahanka Iyo Macalinka Ilaa Iyo Haatan Ugu Fiican Horyaalka Ingiriiska? Khabiirada Sky Sports Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday

    Inkastoo aysan ka turjumeynin iney durba usii calaama saarteen kuwii ugu fiicnaa xili ciyaareedkaan hadana waxaa jirta in Khabiirada Sky Sports Phil Thompson, Matt Le Tissier iyo Charlie Nicholas ay marti ku noqdeen barnaamij uu garsoore ka yahay soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo aysan ka turjumeynin iney durba usii calaama saarteen kuwii ugu fiicnaa xili ciyaareedkaan hadana waxaa jirta in Khabiirada Sky Sports Phil Thompson, Matt Le Tissier iyo Charlie Nicholas ay marti ku noqdeen barnaamij uu garsoore ka yahay soo jeediyaha reer England ee ka tirsan isla Sky Sports Jeff Stelling. Sadexaan khabiir ayaa mid walba ka hadlay fikirkiisa ku aadan macalinka iyo tababaraha ilaa iyo haatan ugu fiican horyaalka Ingiriiska marka la eego waqtigii lasoo dhaafay, waxaana kaliya laba khabiir ay isku raaceen Antonio Conte inuu yahay macalinka ugu fiican

 halka aysan jirin xidig ay isku raaceen laba ka mid ah.

 

 

FIKIRKAKU AADAN MACALINKA UGU FIICAN:

Charlie Nicholas:

Charlie wuxuu aad u amaanay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp kaas oo uu ku sheegay inuu u arko kii ugu fiicnaa xili ciyaareedkaan socda, sidoo kale Charlie ayaa qiray inuu aad u jecel yahay dareenka iyo dhiirogalinta uu u sameeyo ciyaartoyda mar walba.

Charlie wuxuu qiray in dhibaatada heysta Klopp ay tahay goolhayaha iyo Daafaca balse uu yahay macalinka ilaa iyo haatan la oran karo waa kan isku jaangooyay kooxdiisa oo dhiban waliba.

Phil Thompson:

Waan jeclahay dhabtii Jurgen Klopp habkiisa iyo sida uu yahay, balse waxaan ku qasbanahay inaan iraahdo Antonio Conte ayaa ugu fiican waqtigaan, waxaan ku fakaray inuu dhab ahaantii yahay hage fiican, wuxuu ku bilowday si xun horyaalka, sida uu kaga baxay dhibkii yaraa iyo waxa uu kasoo falay Italy iyo Juventus. Sadexda gadaale ayaa wax qaas ah ka dhigtay Blues sidoo kalana inuu daafaca midig u adeegsado Victor Moses waxey cadeyneysaa inuu yahay macalinka ugu sareeya.

Matt Le Tissier:

Ma ahan inaan ku raacay kaliya Thompson balse Antonio Conte ayaan ku fakaray inuu xasiliyay Chelsea. waa mid aan caadi aheyn, halka ay ku dhameysatay Blues xagaaagii h--e iyo sida ay sida dhaqsada leh ugu soo laabatay halka ugu sareysa waa shaqo aan caadi aheyn. Sidoo kalana inuu soo bandhigii ugu fiicnaa ee Hazard iyo Costa waa waxa ugu weyn ee Chelsea xagaagan ay heshay.

FIKIRKAKU AADAN CIYAARIYAHANKA UGU FIICAN:

Phil Thompson:

Waxaa jira ciyaartoy badan sida: Coutinho iyo Firmino kuwaas oo wax weyn u qabtay Liverpool, balse anigu waxaan doortay Eden Hazard. Waxaan is leeyahay waa hage aad u fiican, kadib dhibaatooyinkii sanadkii h--e mar kale ayuu dib usoo rogaal celiyay. Wuxuu dib u helay xirfadahiisii cajiibka ahaa. Waan jeclahay inaan arko wajigiisa isagoo dhoola cadeynaya, wuxuu dhaliyay goolal wuxuu sameeyay caawinaad, wuxuu ahaa mid wanaagsan Euro 2016 sidoo kalana waxaan aaminsanahay inuu kalsooni badan helay.

Matt Le Tissier:

Marka lagu jiro xaaladahaan oo kale waa caadi in qof walba uu fiiriyo gooldhalinta iyo ninka shabaqa kubadda dhex dhiga, waxaana niyadeyda kusoo dhacaya markaas Diego Costa, balse waxaan in badan daawaday Southampton xagaagan ma arkin daafac dhexe oo ka fiican wiilka reer Holland eeVirgil van Dijk.

Charlie Nicholas:

Waqtigiisii h--e ma aheen taageerahiisa ugu weyn, balse waxa uu haatan sameynayo waa wax wanaagsan, Diego Costa ayaan dhabtii ku fakaray inuu yahay kan ugu wanaagsan. kaliya maahan goolashiisa, balse sida uu muhiim ugu yahay dhaq-dhaqaaqiisa kooxda. wuxuu hadba dhinac u jiidaa Hazard isagaana ka caawiyay inuu Eden lasoo laabto qaabkiisii ugu fiicnaa, waa dagaal yahaan sidoo kalana leh awood ruxi ah.

Ugu dambeyntiina shaqsiyaadka bandhigga fiican sameeyay ee aan lagu xusin halkaan waxaa ka mid ah Sadio Mane oo ka mid ah ciyaartoyda ugu firfircoon ee kooxda Liverpool iyo Alexis Sanchez (Arsenal).