"Cid Somaliland Iyo Khaatumo Dhexdhexaadinaysay Ma Jirin Arrimaha Masiiriga Ahna Weli La Islama Gaadhin" Dr Cali Ciise Cabdi

0
Saturday December 24, 2016 - 01:00:16 in by Burco Office
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cid Somaliland Iyo Khaatumo Dhexdhexaadinaysay Ma Jirin Arrimaha Masiiriga Ahna Weli La Islama Gaadhin" Dr Cali Ciise Cabdi

    Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah guddida Khaatumo u metelaysa wada hadallada Somaliland iyo khaatumo ee Itoobiya ka qabsoomay lagana soo saaray qodobada ay labada dhinac isla qaateen, ayaa sheegay in aan weli la isla gaadhi arrimaha masiiriga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah guddida Khaatumo u metelaysa wada hadallada Somaliland iyo khaatumo ee Itoobiya ka qabsoomay lagana soo saaray qodobada ay labada dhinac isla qaateen, ayaa sheegay in aan weli la isla gaadhi arrimaha masiiriga ah ee labada dhinac, balse ay ka wada hadlayaan wixii maslaxad ah.

Dr Cali Ciise Cabdi oo isaga oo ku sugan Addis-ababa ee Dalka Itoobiya u waramay Telefishanka Somalinewstv, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in aanay jirin cid labada dhinac dhex dhexaadinaysay, isla markaana ay iyagu wada hadlayeen Itoobiyana u fududaysay in ay kulmaan.

Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Wax na dhex dhexaadinayey ma jirine Itoobiya fududayn ayuunbay noo samaysay labada guddi ayuunbaa fool ka fool u wada hadlayey oo waxa ay u muuqatay in wixii wada xaajood ah xal loogu raadiyo wixii jira, waxaanay ka timid uun in aanu wada hadalno Somaliland iyo Khaatumo cid na dhex dhexaadinaysayna ma jirin oo isku kaaya riixayey ama noo garnaqayey ma jirin, labada dhinac waxa ay kula noqonayaan waxyaabaha laga wada hadlay dhinacyadoodii iyo masuuliyiintii aan miiska fadhiyin, bulsha weynta aanu u adeegnaynana wada tashi lala galo, waxaanu ku rajo weynahay in sida ugu dhakhsaha badan loo mudayn doono kulanka kale eek an xiga”

Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey "Arrimo masiiri ah ayaa na horyaala welina umaanaan daadagin iyo waxa uu noqon doono wada hadalkan dhamaystirkoodu, waxaanu hadda garawsannay in aanu nabad u baahanahay oo laga wada hadlo, wixii masiiri ahna wakhtigeeda ayaanu geli doonnaa iyo wakhtiga munaasibadka ahee la gaadho”.