LAACIBKA LIONEL MESSI OO GUUL MUHIIM AH FARTA KA SAARAY XULKA ARGENTINA

0
Sunday June 22, 2014 - 10:29:23 in by Super Admin
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LAACIBKA LIONEL MESSI OO GUUL MUHIIM AH FARTA KA SAARAY XULKA ARGENTINA

    Lionel Messi ayaa guul muhiim ah farta ka saaray xulkiisa qaranka Argentina waqtigii dhimashada kadib ciyaar u muuqatay mid ku soo dhamaanaysa bar baro 0 iyo 0 ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa guul muhiim ah farta ka saaray xulkiisa qaranka Argentina waqtigii dhimashada kadib ciyaar u muuqatay mid ku soo dhamaanaysa bar baro 0 iyo 0 ah.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay kubad haysasho dhanka Argentina ah lakiin xulka qaranka Argentina waa uu ku guul daraystay inuu goolal u badalo fursado fiican oo uu abuuray qaybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaan soo muujin xamaasadii looga bartay koobka adduunka, Iran ayaa mar walba isku dayeeysay inay ilaashato shabaqeeda taas badal keeda iskuma dayin inay abuuraan fursado aad u fiican.

Qaybtii Danbe ciyaarta ayaa xoogaa sii kululaatay iyadoo xulka qaranka Iran uu isku dayay inuu qatar badan ku abuuro Argentina lakiin laba fursadood oo halis ahaa ayeey iska qasaariyeen. Argentina oo cadaadis badan uu saarnaa ayaa isku dayday inay dhaliso gool lakiin uma suuro galin, daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta Lionel Messi ayaa shabaqa dhex dhigay kubad aad u qurux badneed isagoona ciyaarta ka dhigay 1-0 Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday qaranka Argentian taas oo ka dhigaysa inay 6 dhibic ku hogaaminayaan Group-kooda.

Messi1

Messi2






Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com