Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Canaan Iyo Tallo Waayeelnimo Iskugu Daray Musharixiinta Xisbiyada Ee Tartankoodu Xamaasada Yeeshay

0
Monday December 26, 2016 - 19:54:20 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Canaan Iyo Tallo Waayeelnimo Iskugu Daray Musharixiinta Xisbiyada Ee Tartankoodu Xamaasada Yeeshay

    Hargeysa(AFKA);Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa farriin adag oo nasteex ah u diray xisbiyada qaranka iyo weliba siyaasiyiinta uu hungurigu ka hayo inay dalka hoggaamiyaan, waxana uu usoo jeediyey i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa farriin adag oo nasteex ah u diray xisbiyada qaranka iyo weliba siyaasiyiinta uu hungurigu ka hayo inay dalka hoggaamiyaan, waxana uu usoo jeediyey inay dadka iyo dalkaba uga tudhaan hadallada aan miisaamnayn ay isweydaarsanayaan.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka hadlay madal lagu daah-furayey shirkad cusub oo arrimaha sharciga ka shaqayn doonta, ayaa, ayaa hoggaamiyayaasha axsaabta qaranka usoo jeediyey inay hufnaanta tartaka dhawraan, isla-markaana ammaanka dalka xil weyn iska saaraan, waxana isaga oo arriimahaas ka hadlaya uu yidhi, "nimanka xisbiyada madaxda ka ah ee doonaya inay dalkan iyo dadkan madax ka noqdaan waxan leeyahay

nabadgelyada halla ilaaliyo oo hufnaanta tartankana halla ilaaliyo, umaddan abaarta ku jirta ee aad madaxtinimada ka rabtaana waa inaad u tudhaan oo aad si nadiif ah u tartantaan oo aanay dhexdooda kala fogaan.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,"Marka warbaahinta la eego qaabka loo socdo ee loo tartamayaa mid umadda raaligelin karaya ma aha, waxana loo baahan yahay sida sharciga gudihiisa loogu tartamo ee aan xadaafiir iyo is jiid-jiidasho iyo ku colow lahayn” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Mujaahidku waxa uu shaaciyey in haddii aanay hoggaanka xisbiyadu masuuliyad gaar ah isa saarin ay adkaan doonto inay gaadhaan hanka ay leeyihiin,"Waar haddii aydaan meesha nabad ku gaadhin oo aydaan dad nabdood ku gaadhin oo aad dal iyo dadba ugu tegi weydaan maxa aad madax u noqon doontaan, waar arrinkaas xil iska saara oo halla dedaallo” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Hadalka Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa waxa uu kusoo beegmyaa xilli lagu jiro xaalad siyaasadeed oo adag, isla-markaana uu tartan adag oo aan wax badan la xeerinaynini ka dhex socda xisbiyada qaranka, waxana taas barbar socda eedo axsaabta dhexdooda ah oo la isku riix riixayo naax-naaxin horleh oo ay qabyaaladdu yeelatay.