Chelsea Oo Guusheedii 12-Aad Oo Xidhiidh Ah Ka Gaadhay Bournemouth, Eden Hazard & Pedro Rodriguez Oo Antonio Conte Ka Caawiyay In Uu Galo Taariikhda Kooxdiisa Bues.

0
Monday December 26, 2016 - 21:49:00 in by Burco Office
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Guusheedii 12-Aad Oo Xidhiidh Ah Ka Gaadhay Bournemouth, Eden Hazard & Pedro Rodriguez Oo Antonio Conte Ka Caawiyay In Uu Galo Taariikhda Kooxdiisa Bues.

    Chelsea ayaa gaadhay guusheedii 12 aad oo xidhiidh ay iyada oo Antonio Conte uu rekoodh cusub u dhigay kooxda Stamford Bridge ka dhisan. Chelsea ayaa 3:0 ku garaacday kooxda Bournemouth si ay u sii ilaashato dhibcaha ay hogaanka Premier Leaque-ga ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa gaadhay guusheedii 12 aad oo xidhiidh ay iyada oo Antonio Conte uu rekoodh cusub u dhigay kooxda Stamford Bridge ka dhisan. Chelsea ayaa 3:0 ku garaacday kooxda Bournemouth si ay u sii ilaashato dhibcaha ay hogaanka Premier Leaque-ga ku hayso. Pedro Rodriguez oo laba goo

l dhaliyay iyo Eden Hazard rekoodhe shabaqa ku taabtay ayaa Blues ka caawiyay in ay gaadhaan guushoodii 12 aad oo xidhiidh ah taas oo Conte ka dhigtay macalinkii ugu horeeyay ee Blues la soo guulasytay 12 kulan oo Premier leaque-ga ah oo xidhiidh ah.

 

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Kaydka:Begovic, Ivanovic, Aina, Zouma, Loftus-Cheek, Chalobah, Batshuayi.

Bournemouth (4-2-3-1): Boruc; Francis, Cook, B. Smith, Daniels; Arter, Gosling; A. Smith, Wilshere, Surman; King.

Kaydka:Federici, Mings, Fraser, Stanislas, Afobe, Ibe, Wilson.

DAQIIQADII 24 AAD GOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa dadaal badan kadib heshay goolkeeda furitaanka ee ay niyada kaga xumaysay kooxda sida adag u difaacanaysay ee Bournemouth iyada oo gool si qurux badan looga soo shaqeeyay uuPedro Eliezer Rodríguez ku dhamaystiray goolka furitaanka ee Blues isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 uu xili horeba Conte ku dabaal degay.

Francesc Fàbregas ayaa sameeyay gool caawinta Pedro taas oo markale muujinaysa sida uu muhiim ugu yahay kooxdiisa Blues halka Eden Hazard uu ahaa xidiga shaqada soo bilaabay. Goolkan ayaa Chelsea dhigay boos ay dariiqa ugu saarnayd guusheedii 12 aad oo xidhiidh ah. Laakiin qaabka quruxda badan ee uu Pedro goolkan u dhamaystiray ayaa jamaahiirta Chelsea sii farxad galisay.

DAQIIQADII 31 AAD Chelsea ayaa dirqi ku badbaaday kadib markiiBournemouth ay soo tuuratay kubbad laaga xorta waxaana si liidata iskaga saaray Matic basle kubbad uu goolka barbaraha ku dhalin gaadhay Wilshere ayaa wax yar sare uga kacday.

Chelsea ayaa fursado fiican oo kale abuurtay si ay ula timaado goolka labaad ee kalsoonida basle Bournemouth ayaa dhinaceeda ka raadinaysay goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laaban karto balse wax kasta oo ay labada kooxood sameeyeen ayay qaybtii h--e ee kulankani ku dhamaatay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay isla markiiba Chelsea bilawday dardar xoogan iyo olole ay ku doonaysay goolkeeda labaad si ay jilbaha ugu laabto kooxda martida u ahayd ee Bourenmouth waxaana markiiba laga filan karayay goolkeeda labaad.

DAQIIQADII 49 AAD REKOODHE!. Chelsea ayaa markiiba heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay kula iman kartay goolkeeda labaad waxaana markale saamayntiisa la soo baxay Eden Hazard kaas oo sabab u noqday in Blues ay ku guulaysato rekoodhe waxaana qalad ku galaySimon Francis taas oo keentay in garsuuruhu uu rekoodhe ku abaal mariyo Blues.

DAQIIQADII 50 AAD GOOOOOOOOOOL!. Eden Hazard ayaa kubbada qaatay wuxuuna si degan u dhamaystiray rekoodhaha qaladkiisa lagu galay isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho goolka labaad ee ay doonaysay in ay kalsoonida ku hesho wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay kooxda Conte ugu sii dhawaatay guusheedii 12 aad oo xidhiidh ah.

Chelsea ayaa ahayd kooxda laga filan karayay goolkeeda saddexaad iyada oo Willian uu helay fursado badan waxayna Blues doonaysay in ay u sii quus goyso kooxda martida u ahayd ee Bourenemouth oo ay markii horeba dhibaato ku abuurtay.

DAQIIQADII 90+3 GOOOOOOOOOOOL! Xidigii goolasha Blues u daah furay ee Pedro Rodriguez ayaa markale noqday xidiga ciyaarta soo gabagabeeyay wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolkiisa labaad si uu natiijada ciyaarta u soo xidho waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Blues hogaanka ku sii dheeraysatay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Chelsea ku garaacday kooxda Bournemouth isla markaana ay ku gaadhay guul ay taariikh cusub kooxdeeda ugu samaysay iyada oo Antonio Conte uu noqday tababarihii abid ugu horeeyay ee 12 kulan oo xidhiidh ah la soo guulaystay Blues.