Xidhiidhada Kubada Cagta Aduunka Oo Taageero U Muujiyey In 48 Dal Ka Qayb Galaan Koobka Aduunka

0
Wednesday December 28, 2016 - 16:35:42 in by salman abdi
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhada Kubada Cagta Aduunka Oo Taageero U Muujiyey In 48 Dal Ka Qayb Galaan Koobka Aduunka

    Xiriirradda kubadda cagta ee dalalka Adduunka ayaa "si wayn u taageersan" qorshaha lagu kordhinayo tirada dalalka ka qaybgala Koobka Kubadda Cagta Adduunka oo la rabo in laga dhigo 48, sida uu sheegay madaxwaynaha Fifa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirradda kubadda cagta ee dalalka Adduunka ayaa "si wayn u taageersan" qorshaha lagu kordhinayo tirada dalalka ka qaybgala Koobka Kubadda Cagta Adduunka oo la rabo in laga dhigo 48, sida uu sheegay madaxwaynaha Fifa.

Labada xul ee u dhibco bata koox kaste (group-kaste) ayaa u gudbi doona heerka kala baxa oo dalkii laga badiyaa uu tartanka ka harayo.Madaxwaynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa bishan horraanteedii iftiimiyay hindisihiisa lagu ballaarinayo kooxaha ka qayb gala koobka adduunka iyada oo lagu kordhin doono 16 kooxood.

Arrintan waxaa go'aan laga gaari doonaa bisha koobaad ee foodda inagu soo haysa, laakiin

lama filayo in isbadal lagu sameeyo 32 kooxood inta ka horaysa sanadka 2026-da.

 

Gollaha Fifa ayaa hindisahan kaga shiri doona kulan ay yeelan doonaan sagaalka bisha koobaad, laakiin ballaarinta 48 ah waxaa ol'olihiisii doorashada ku soo darsaday Infantino.

Markii u dambaysay ee tirada kooxaha isbadal lagu sameeyay waxay ahayd sandkii 1998 markaas oo laga dhigay 32 dal halkii ay ka ahaan jireen 24 dal.

Infantino ayaa sidoo kale "arrin wanaagsan" ku tilmaamay tijaabooyinka ku aadan in tiknoolajiyad muuqaal ah ay adeegsadaan garsooreyaashu, wuxuuna sheegay in uu rajaynayo in hannaankaas lagu adeegsado Koobka kubadda Cagta Adduunka ee Ruushka lagu qabanayo sanadka 2018-ka.

 

 

 

Source:-BBCsomali