Muuse Biixiyoow, Ma Xabaalahaa Kuu Codayn Doona, Hadduu ……? W/Q Hussein-lucky Mohamed

0
Thursday December 29, 2016 - 16:24:20 in by Burco Office
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixiyoow, Ma Xabaalahaa Kuu Codayn Doona, Hadduu ……? W/Q Hussein-lucky Mohamed

    labadii –ilaa- sadexdii maalmood ee u danbeeyay, waxaa magaaladda burco ku sugnaa wafti uu horkacayo Murashaxa madaxweyne ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

labadii –ilaa- sadexdii maalmood ee u danbeeyay, waxaa magaaladda burco ku sugnaa wafti uu horkacayo Murashaxa madaxweyne ee

xisbiga kulmiye iyo raxan wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyada, Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaasoo qabanayay xaflado iyo shirar doceedyo siyaasadeed oo lagu xodxodanayo qabaailka dega Gobolka Togdheer, taasoo salka ku haysa dad iyo cod urursi ku aadan doorashada madaxweyne ee soo socoto. Xafladahan oo lagu kharash garanayo dhaqaale badan oo ah cashuurtii umadda looga qaaday in wax loogu qabto, iyadoo waqtiga iyo sebenka maanta taagan ee abaarta ahina uu yahay mid daran oo aan u roonayn dadkii ku dhaqnaa gobolada bari.


Labada arimood ee

dad badan isu qaban waayay ayaa ah, abaarta saamaynteedu daran tahay ee dhulka xafladahaas lagu qabanayo ka jirta, iyo xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeeda oo ku mashquulsan olole siyaasadeed oo aan waqtigiisii joogin, dhaqaalihii dadka dhibaataysan wax logu qaban lahaana xaflado siyaasadeed ku maamulanaysa, tusaale ahaan, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE, Mr. Muuse Biixi Cabdi, mar uu shalay ka qaybgalay munaasibad abaaraha laggaga hadlayay ayaa wuxuu ku yaboohay lacag dhan $ 40.000 oo yidhi abaaraha ayaanu ugu talo galay, halka ay ilo xogogaal ahi ii xaqiijiyeen in sadexdii casho ee u danbeeyay in lacagta ololaha iyo xafladaha siyaasdeed loo isticmaalay ay gaadhaysay $ 270.000, taasoo lix jeer ka badan inta ay abaarta ugu yabooheen, tanina, waa arin muujinaysa in Muuse Biixi iyo Xukuumadda Siilaanyo-ba ay helitaanka kursigu kala qiimo badan tahay le’ashada dadka, iyadoo xaalkoodu u muuqdo lax dhukani Abaar ma oga.
Caqliga wanaagsan iyo damiirka ay damqashadu ku danbaysaa, ma ahan maalin uu ka fekeri karo kursi iyo madaxtinimo, ee waa maalin uu waxkastoo agtiisa qiimo ku lahaa ka horaysiin lahaa gurmadka iyo badbaadada dadka, Waxaanan leeyahay, MUUSE BIIXIYOW, Goboladda Bari xaflado iyo temeshlayn-siyaasadeed uma baahna maanta, ee waxay u baahan yihiin badbaado iyo Samato-bixin, iyo cid si daacad ah ula wadaagta dareen ahaan iyo ficil ahaanba waayaha ay qabaan ee korkooda ka muuqda. Tan kale, ruux noolbaa codeeya’e, mid dhintay ma codeeyo, ee haddii aanad ka nool maanta badbaadin, ma xabaalaha ayaa ku coddeyn doona hadduu dadku madho, yaadse, xukumi doontaa ma qubuuraha?.

Gebagabadii, Waxaan leeyahay, haddii aydaan umadda waxba taraynin, kala taga dhibaatadiina iyo ku digashadiina.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud,

Burco,

Email, husseinlucky@hotmail.com