Fadeexad cusub Oo Soo Wajahday Raisul wasaaraha Yuhuuda & baadhitaano lagu Bilaabay

0
Friday December 30, 2016 - 12:10:13 in by Burco Office
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad cusub Oo Soo Wajahday Raisul wasaaraha Yuhuuda & baadhitaano lagu Bilaabay

    Fadeexad Maaliyadeed iyo tuhun la xiriira qaadasho laaluush ayaa la soo sheegayaa iney soo wajaheen Ra'isul-wasaaraha yuhuuda Benjamin Netanyahu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad Maaliyadeed iyo tuhun la xiriira qaadasho laaluush ayaa la soo sheegayaa iney soo wajaheen Ra'isul-wasaaraha yuhuuda Benjamin Netanyahu. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Yuhuudda, Afijay Mandelbilt ayaa xaqiijiyey in la furay baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo Dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Ra’isul-wasaare Benjamin Netayahu iyo eedeymaha loo haysto.

Eedeymaha loo heysto Netanyahu ee baaritaanka lagu sameynayo waxaa ka mid ah inuu qaatay lacag gaareysa 1.1 million oo Dollar oo uu ka helay Nin u dhashay Faransiiska, lacagtaasoo uu u adeegsaday xoojinta ololihiisa Doorashadda ee sanadkii 2009-kii.

Telefishinka Yuhuudda ayaa sheegay inay Booliska baaritaan muddo 9-bilood ah ku hayeen Labo Kiis oo aan la shaacinin oo loo haysto Benjamiin Netanyahu.

Waxaa kaloo baaritaano lagu hayaa eedeymo la xiriira inuu Mr. Netanyahu malaayiin Dollar ka helay Qandaraas 3 maraakiibta Gujiska looga soo iibsaday dalka Jarmalka.

Haddii eedeymahan ay ku cadaadaan Ra’isul-wasaare Benjamin Netanyahu ayaa waxaa la sheegayaa iney horseedi karaan inuu xilka waayo, Maxkamadna la soo taago.