War Deg Deg Ah:Meydka Danjire Kyriakos Amiridis Oo Saddex Cisho Kadib laga Helay Duleedka Rio de Janeiro +Sawirro

0
Friday December 30, 2016 - 16:44:36 in by Burco Office
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Meydka Danjire Kyriakos Amiridis Oo Saddex Cisho Kadib laga Helay Duleedka Rio de Janeiro +Sawirro

    Saraakiisha Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in ay heleen gaari gubtay oo uu ku jiro qof meyd ah oo loo maleynayo inuu yahay safiirkii dalka Greece u fadhiyey Brazil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in ay heleen gaari gubtay oo uu ku jiro qof meyd ah oo loo maleynayo inuu yahay safiirkii dalka Greece u fadhiyey Brazil. Kyriakos Amiridis ayaa la la’aa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana gaariga safiirka oo gubtay laga helay gudaha xaafadda Nova Iguacu oo ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee magaalada Rio.

Wararka ayaa sheegaya in Danjire Kyriakos Amiridis uu booqanayey qaar ka mid ah asxaabtiisa oo degan xaafadaasi.

Booliska ayaa sheegay in safiirka Greece u fadhiyey Brazil Kyriakos Amiridis la waayey habeenkii isniinta, markii dad ugu war dambeysayna waxaa lagu arkay xaafada Nova Iguacu, isagoo wata gaarigiisa.

Safaarada Giriiga ee dalka Brazil wali maysan xaqiijin geerida Danjire Amiridis, waxaana socda baaritaano lagu xaqiijinayo in meydka gubtay ee laga dhex helay gaariga uu isaga yahay iyo in kale.