Hordhac: Chelsea v Stoke – Blues Oo Isha Ku Heysa Iney Guul Gaadho Kulankii 13-aad Oo Xidhiidh Ah

0
Saturday December 31, 2016 - 11:49:12 in by Burco Office
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v Stoke – Blues Oo Isha Ku Heysa Iney Guul Gaadho Kulankii 13-aad Oo Xidhiidh Ah

    Diego Costa iyo N'Golo Kante ayaa dib ugu soo laabanaya Chelsea kulanka ay maanta gurigeeda kusoo dhaweyn doonto Stoke City waana kulanka ugu dambeeya wareega h--e hoyraalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diego Costa iyo N'Golo Kante ayaa dib ugu soo laabanaya Chelsea kulanka ay maanta gurigeeda kusoo dhaweyn doonto Stoke City waana kulanka ugu dambeeya wareega h--e hoyraalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan.

 


 

 

Dhanka kale Antonio Conte ayaa aaminsan iney tahay xilli h--e in laga hadlo horyaalka Ingiriiska hanashadiisa, balse ay doonayaan iney muujiyaan dabeecadaha lagu hanan karo.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Stoke City

Garoonka: Stamford Bridge

Garsoore: Robert Madley (England)

Saacadda: 6:00 Maqribnimo

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Pedro ayaa ganaax ku seegi doona ciyaartaan, balse Costa iyo Kante ayaa dib ugu soo laaban doona madama ay ganaax ku seegeen kulankii Bournemouth.

Kabtan John Terry ayaa tababar sameeyay balse diyaar uma ahan inuu ciyaartaan ka qeyb qaato.

Dhanka kale Phil Bardsley ayaadib ugu soo laaban kara shaxda Mark Hughes, xidigaan heerka caalami ayaa dhaawac dhanka jilibka ah kooxda kaga maqnaa tan iyo 19-kii November.

Marko Arnautovic ayaa wali ku maqan ganaax, halka Marc Muniesa, Geoff Cameron iyo Jack Butland ay dhaawacyo ku seegi doonaan kulankaan.

XAQIIQADA KULANKA:

Chelsea ayaan wax guul ah gaarin labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahdo Stoke City (1-barbaro, 1-guuldaro), markii ugu dambeyay oo ay ku guuldareysato iney gurigeeda iyo banaankaba ku garaacdo kulan horyaal ah wuxuu ahaa 1974/75.

Potterswax guul ah ma gaarin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay booqdaan Chelsea, markii ugu dambeysay oo ay kusoo badiyaan Stamford Bridge waxey aheyd 1974/75.

 

Eden Hazard ayaa dhaliyay sidoo kalana caawiyay gool kulankii ugu dambeeyay horyaalka oo ay guul ka helaan Stoke City waxeyna aheyd April 2015.

 

Chelsea kuma fashilmin iney guul gaarto kulanka ugu dambeeya ee sanad walba, markii ugu dambeysay oo ay badin weysay dhamaadka sanadka waxey aheyd 2011 markaasna 1-3 waxaa ku garaacay Aston Villa.