Hordhac: Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Bandan Ee Liverpool vS Man City Xogaha Ku Duugan Kulankaasi Ka Bogo
Kulanka: Liverpool vs Manchester City
Tartanka: Premier League
Garsoore: Craig Pawson (England)
Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Liverpool kubad sameeyaheeda Philippe Coutinho ayaan taam buuxa u aheyn ciyaartaan mana ka hortagi karo Citizens, xidigaan reer Brazil ayaa dhaawac canqawga ah kaga maqan garoomada. Dhibka kale ee Reds heysta ayaa ah inJoel Matip uu seegayo kulankii afaraad oo xiriir ah isagoo dhibaato ka qaba canqawga.
Dhanka kale Sergio Aguero ayaa dib ugu soo laabanaya City, halka John Stones uu taam buuxa u noqon karo ciyaartaan madama dhaawac looga saaray kulankii Hull City ee Boxing Day-ga.
Leroy Sane ayaa wali dhaawac ku maqan, halka Kompany uu wali dhaawacyadii ragaadiyay la xanuunsayo.
XAQIIQOOYINKA KULANKAAN:
Liverpool ayaa badisay sadexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay isku arkaan Premier League-ga si xiriir ah, markii ugu dambeysay oo ay 4-jeer guul ka gaaraan waxey aheyd 1981, waxeyna xiligaas dubteen 7-kulan oo xiriir ah.
Aguero ayaa gool dhaliyay afar jeer oo uu ka hor yimid Liverpool kulamada horyaalka Ingiriiska, balse dhamaan goolashaas midkood kuma dhalin Anfield.
Liverpool waligeed kuma fashilmin iney gool dhaliso 19-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kusoo dhaweyso City kulamada Premier League-ga.
SHAXDA MACQUULKA AH:
LIVERPOOL:
Mignolet, Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Henderson, Wijnaldum, Lallana; Mane, Firmino, Origi.
MAN CITY:
Bravo; Zabaleta, Stones, Otamendi, Kolarov; Fernandinho; Navas, Silva, De Bruyne, Sterling; Aguero
Hordhac: Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Bandan Ee Liverpool vS Man City Xogaha Ku Duugan Kulankaasi Ka Bogo
Sergio Aguero oo afar kulan oo xiriir ah kaga maqnaa kooxda Ganaax ayaa dib ugu soo laabtay isagoo diyaar u ah inuu wajaho Liverpool kulanka caawa.