War Deg Deg Ah:Laba Qarax Oo Xoog Leh Oo Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.

0
Monday January 02, 2017 - 16:22:16 in by Burco Office
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Laba Qarax Oo Xoog Leh Oo Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.

    Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn goor dhawayd ka dhaceen naxaawiga garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn goor dhawayd ka dhaceen naxaawiga garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.


Qaraxyadan ayaa lagu waramayaa in ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday gadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay,sida ay sheegeen dadka ka agdhawaan halka ay qaraxyada ka dhaceen.


Mid ka mid ah qaraxa ayaa lagu brtilmaameesaday barkoontarool oo ku dhaw xerada Xalane, halka qaraxa labaad lagu beegsaday hotelka Peace oo ah hotelkii sanadkii hore lagu qabtay shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD,
Qarxyada kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas culus oo dhowr jiho loo ridayo, lamana garanayo in rasaastaan ay adeegsanayeen kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada AMISOM ridayeen.
Wixii warar ah ee ka soo kordha khasaaraha weeraradaas waan idin soo gudbin doonnaa