Terminalka cusub ee garoonka Aadan cadde oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxyadii maanta+Sawiro

0
Monday January 02, 2017 - 17:35:05 in by salman abdi
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Terminalka cusub ee garoonka Aadan cadde oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxyadii maanta+Sawiro

    Muqdisho(AFKA);Iyadoo maanta duhurkii qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen agagaarka garoonka Aadan cadde ayaa qaraxyadaas waxay geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Iyadoo maanta duhurkii qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen agagaarka garoonka Aadan cadde ayaa qaraxyadaas waxay geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur. Terminalka cusub ee lagu kordhiyey garoonka Aadan cadde ayaa ka mid ah meelaha qaraxyadii maanta ay waxyeelada iyo burburka xoogan u geysteen.

Xafiisyada terminalka cusub ayaa jugta xooggan ee ka dhalatay qaraxyadan waxay sababeen iney burburaan albaabada qaarkood oo muraayado ka sameysnaa kuwaasoo dhulka ku soo daatay.

Sidoo kale, safiitooyinka iyo qalabka kale ee lagu qurxiyey saqaafka sare ee terminalka qaarkood ayaa kala daatay, kuwaasoo xafiisyada qaarkood ka dhigay sidii meel mar hore laga guuray.

Qaraxyadii maanta oo masuuliyadooda ay sheegatay Al-shabaab ayaa markii ay dhaceen waxaa khal khal xoogan iyo kala carar laga dareemay gudaha garoonka Aadan cadde oo ay ku sugnayeen shaqaale iyo rakaab badan oo sugayey iney halkaas ka dhoofaan, iyadoo goob joogayaal halkaas joogay ay sheegeen iney qaraxyada moodeen in gudaha garoonka ay ka dhaceen marka la eego xoogga ay lahaayeen.

Dhowr qof oo ka mid ahaa shaqaalaha garoonka Aadan cadde iyo rakaabkii sugayey iney halkaas ka dhoofaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo yar yar oo ka dhashay muraayadaha soo daatay iyo burburka kale ee qaraxaas ka dhashay.

Shaqaalaha shirkadda Favori LLC ee gacanta ku heysa maamulka garoonka Aadan cadde ayaa la sheegay iney deg deg u dayactireen waxyeeladii soo gaartay xafisyada terminalka cusub.










Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com