Weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Baqdaad & khasaaraha oo sii kordhaya +Sawirro

0
Tuesday January 03, 2017 - 12:12:25 in by Burco Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Baqdaad & khasaaraha oo sii kordhaya +Sawirro

    Rashado ay ku dhinteen dad gaaraya 56-qof ayaa ka dhacay gudaha xabsiga Anisio Jubim oo kuyaala magaalada Manaus ee dalka Brazil, kadib markii kooxo burcad ah oo laga cabsado ay isku dayeen in ay xabsigaasi maamulkiisa la wareegaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rashado ay ku dhinteen dad gaaraya 56-qof ayaa ka dhacay gudaha xabsiga Anisio Jubim oo kuyaala magaalada Manaus ee dalka Brazil, kadib markii kooxo burcad ah oo laga cabsado ay isku dayeen in ay xabsigaasi maamulkiisa la wareegaan. Saraakiisha booliiska magaalada Manaus ayaa sheegay in rabshada ay bilaabatay axadii ayna socotay ku dhawaad 20-saacadood, waxaana inta ay rabshada socotay gudaha xabsiga lagu dilay dad badan oo u badnaa maxaabiista xabsigasai ku xirneed.

Dadka Xabsiga lagu dhax dilay ayaa qaarkood la sheegay in nolosha lagu gubay halka kuwa kalana jirkooda la jar jaray, waxaana gudaha xabsiga saacado badan ka taagneed xaalada adag oo argagax badan abuurtay.

Kooxihii rabshada waday ayey sheegeen saraakiisha booliiska in ay markii dambe is dhiibeen lagana adkaaday, waxaana hada socda baaritaano ku aadan waxa sababay rabshadan dadka badan ku dhinteen ee ka dhax dhacay xabsi kuyaala dalka Brazil.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in ay soo afjareen rabshadihii ka socday gudaha xabsiga Anisio Jubim, waxa ayna ciidamada soo qabteen qaar kamid ah maxaabiista oo baxsaday intii ay rabshada ka socdeen xabsiga,