Waddan Kamid Ah Afrika Oo Ku Guulaystay Inuu Soo Saaro Waraaqaha Codaynta Ee Loogu Talogalay Indhoolayaasha

0
Tuesday January 03, 2017 - 12:34:09 in by Burco Office
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddan Kamid Ah Afrika Oo Ku Guulaystay Inuu Soo Saaro Waraaqaha Codaynta Ee Loogu Talogalay Indhoolayaasha

    Dalka Rwanda, ayaa ku guulaystay in ay hirgeliyaan, soona saaraan waraaqo loogu talogalay in ay ku codeeyaan dadka aragga naafada ah, gaar ahaan xilliyada doorashada madaxweynenimada sida Guddida Doorashooyinka ee dalkaasi u sheegeen wargeyska New Ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Rwanda, ayaa ku guulaystay in ay hirgeliyaan, soona saaraan waraaqo loogu talogalay in ay ku codeeyaan dadka aragga naafada ah, gaar ahaan xilliyada doorashada madaxweynenimada sida Guddida Doorashooyinka ee dalkaasi u sheegeen wargeyska New Times.


Guddida Doorashooyinka Rwanda, ayaa waraaqahan ugu talogalay inay xaquuqdooda codaynta ku helaan dadka indhoolayaasha (Braille voting papers), kuwaas oo ay markii hore dhinaca codbixinta doorashooyinka ka caawin jireen, taasoo lagu ogaan jiray cidda ay codkooda siinayaan.

 


"Horumarinta diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ka soo baxday waxa ay tahay in lagu daro in dadka aragga naafada ka ah ee wax akhriyi kara isticmalaan waraaq u gaar ah oo loogu talogalay si ay codkooda u dhiibtaan. Bisha July waa la helayaa liiska codbixiyayaasha oo ay la socdaan waraaqaha indhoolayaashu ku codaynayaan oo daabacan.” Sidaa waxa yidhi Xogyaha Fulinta Guddida Doorashooyinka Rwanda Mr. Charles Munyaneza oo u warramay wargeyska Sunday Times ooMaankaabsoo xigtay.

Rwanda waxa doorashada madaxtinimadu ka dhici doontaa 4thAugust ee sannadkan 2017ka. In ka badan 6.6 milyan qof ayaa la rajaynayaa inay codkooda ka dhiibtaan doorashada soo socoda. Sidoo kale, qurba-joogga Rwanda waxa loo qoondeeyey inay codeeyaan 3 August oo ah maalin ka hor maalinta doorashadu si rasmi ah u bilaabmayso.

"Waxaannu rajaynaynaa inta u dhexaysa 50,000 ilaa 100,000 cod. Waxa kaloo raaci doona codadka dadka aragga naafada ka ah ee waraaqahooda codbixinta (Braille polling papers) loo diyaariyey, taasoo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin miisaaniyadda doorashada loo qoondeeyey,” ayuu yidhi Munyaneza.

Warqadda codaynta ee loogu talogalay dadka aragga naafada ka ah waxay ku qoran tahay far gaar ah (Braille) oo loogu talagalay in dadka aan waxba arkin faraha ku akhriyi karaan.

Golaha Naafada Rwanda NCPD (National Council for Persons with Disabilities), ayaa nidaamkan lagu tijaabiyey waqtigii ay is dooranayeen, taas oo noqotay tallaabo lagu guulaystay.