Macalinka Kooxda Man City, Guardiola Oo Sheegay Inuu Waayihiisa Tababarenimo Ku Soo Gabagabayn Doono Kooxda Manchester City.

0
Tuesday January 03, 2017 - 14:43:25 in by Burco Office
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinka Kooxda Man City, Guardiola Oo Sheegay Inuu Waayihiisa Tababarenimo Ku Soo Gabagabayn Doono Kooxda Manchester City.

    Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa soo gaaray gabagabada waayihiisa tababarenimo, mana sii noqon doono tababare marka uu gaaro 65 sanno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa soo gaaray gabagabada waayihiisa tababarenimo, mana sii noqon doono tababare marka uu gaaro 65 sanno.


Macalinka reer Spain ayaa tababare ka soo noqday Barcelona iyo Bayern Munich ka hor inta uusan Man City ka bedelin Manuel Pellegrini.

"Waxaan sii joogi doonaa Manchester seddexda xilli ciyaareed ee soo socota, malaha ka badan” ayuu Guardiola oo 45 sanno jir ah u sheegay NBC ka hor guushii 2-1 ee ay ka gaareen Burnley.

 

guardiola-2-620x414

 

"Kursiga keydka ma sii fadhin doono ilaa iyo inta aan gaarayo 60 ama 65 sannadood. Waxaan dareemayaa inay bilaabatay qorshihii macsalaameynteyda.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay; "Waxaan soo gaarayaa dhamaadka waayaheyga tababarenimo, waan hubaa taas.”

Markii wax laga weydiiyay hadalkii uu u sheegay NBC ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay, waxa uu yiri: "City ayaa noqon karta kooxdeydii ugu danbeysay.”

Guardiola ayaa Barcelona ku soo qaaday 14 koob afartii sannadood ee uu joogay Barcelona oo ay ku jirto seddex La Liga iyo labo Champions League.

Waxa uu fasax shaqada fasax ka qaatay hal sanno ka hor inta uusan Bayern Munich ku biirin 2013, waxaana uu ku hogaamiyay seddex koob oo horyaalka ah laakiin Champions League lama uusan qaadin kooxda Jarmalka.